Abwaan Af-gudhiye oo geeriyooday, Madaxweyne Biixi oo tacsiyeeyey

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsiyeeyey geerida ku timid Marxuum  Abwaan Axmed Siciid Diiriye (Afgudhiye) oo ka tirsanaa abwaannada Somaliland gaar ahaana gobolka Awdal ayaa shalay ku geeriyooday Hargeysa. Wuxu ahaa  suugaanyahan ah oo caanka ahaa geyiga Soomaalidu degto, door muhiimana ku lahaa nabadayntii, dib u heshiisiintii iyo dib u dhiskii dalka.

War-saxaafadeed subaxnimadan saaka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa u dhigan sidan:

TACSI MADAXWEYNE

 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda suugaanta iyo hal-abuurada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Abwaan Axmed Siciid Diiriye (Afgudhiye) oo ku geeriyooday shalay oo ay taariikhdu tahay 27/10/2018, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Abwaan suugaan yahan ah oo caanka ahaa dhamaan geyiga Soomaalidu degto, door muhiimana ku lahaa nabadayntii, dib u heshiisiintii iyo dib u dhiskii dalka. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, bahda suugaanta iyo hal-abuurada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 AAMIIN AAMIIN AAMIIN

                        Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

 

 

 

 

 

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

 

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

http://www.somalilandnation.net/