Abwaan Yuusuf-Shaacir iyo daahfurka maansada Dhakafaar

 

Abwaan Yuusuf Cabdille Cismaan “Shaacir” ayaa xalay madal la isku arkay huteelka Safaari ee Hargeysa ku soo bandhigay maansadiisii ugu dambaysay oo la yidhaa “Dhakafaar”.

Abwaanku wuxu maansadan kaga hadlayaa galdaloolooyinka dimuqraadiyadda iyo in uu aaminsan yahay in dimuqraadiyaddu ay tahay hannaan aan wadi karin Somaliland.

Waxa iyaguna madhasha hadalo ka jeediyey aqoonyahano door ah oo qaarkoodna ay dimuqraadiyadda ka soo horjeedeen qaarkoodna ay taageersanaayeen.

Nuqul ka mid ah maansada oo Abwaan Yuusuf uu soo gaadhsiiyey Bandhige ayaa u dhigan sidan:

Maanso cusub: Dhaka-Faar
Yuusuf Cismaan Cabdulle โ€œShaacirโ€

Maansayahanka waxaa godla ama ka hadliya dareenka iyo duruufaha la soo darsa bulshada uu la noolyahay, mid siyaasadeed mid dhaqan -dhaqaale iyo guud ahaaba wacyiga xiligaa taagan. Marka laga yimaado dhacdooyinkaa guud ee maasadani ka faaloonayso waxaanay si gaar ah farta ugu fiiqaysaa ama ka hor jeeddaa aragtida ku baaqaysa dimuquraadiyadda iyo dhalan-rogga sooyaalka umadeed. Naflaha Ale dunida ku uumay ma jiro mid aan ismaamulin. Xataa xayawaanka waxaa tusaale la inoogu sheegay shinida iyo boqortooyadeeda.

Dagaalkii labaad ee adduunku markuu dhammaaday waxaa bilaamay loolan xooggan oo dhex maray quwadihii bariga iyo galbeedka waxaana kala hoggaaminayay midawgii soofiyaati oo bariga horbooyadya, halka galbeedkana uu budhtuur u ahaa Maraynkaku. Waxaan laysku haystay sidii loo kala jiidan lahaa bulshooyinka caalamka. Waxaana lagu kala baaqayay mabaadiiโ€™da shuuciyadda iyo dimuquraadiga. Soomaaliya xiliyadaa waxaa ka curtay kacaan cusub oo askari hoggaaminayso waxaanay si jar-iska-xoornimo ah u qaateen aragtidii shuuciyadda oo Ruushku gadhwadeen ka ahaa. In kasta oo maskax muruq iyo maalba la isugu geeyay nidaamkaasi ma galin bulshadii Soomaaliyeed, waxaanu sabab u ahaa burburka iyo barakaca ilaa maanta haysta.

Sideedaba dhismaha maamul waxaa lagu dul bineeyaa diinta iyo dhaqanka umaduhu ay aamisan yihiin. Biyodhaca u jeeddadaydu waa ma sii shaqayn karta dimuquraadiyadda maanta dhagaheena ka badatay ee reer galbeedku dhaqaalaha la daba socdo.
Nidaamkan dadka ka soo horjeedaa waxyaabaha ay ku diidan yihiin waxaa ka mida in uu soo saaro cid aan ku habboonayn in ay xil ummadeed qabato. Sidoo kale looma jili karo qaabka ay u rabaan qarbigu in loo dhaqan galiyo. Sidaa daraadeed waxay ila noqday gaadhi aan isbeer baadhkiisu dalka oolin balse Yurub iyo Maraykan laga soo waarido. Taas oo ina gayaysiisay maahmaahdii ahayd โ€œBil saddex gurigaagana way kaa kaxaysaa guri kalena kuma gaadhsiiso.โ€

Sababahaas ayay maasadani uga hor jeeddaa dimuquraadiyada waxaanay ku baaqaysaa in loo noqdo diinta iyo dhaqanka lana waafajiyo nidaamka dawladeed ee casriga ah.
Rah baa dhalan dhoolka
Haraadkiyo dhiifta
Markuu dhabankiisu
Dhulkii qaban waayay
Ayuu dhaqankeena
Dhabeel garaynaysa
Wax dhuunta u qooya
Dharaar ka amaahday
Markuu dhahar doogay
Xareedna ku dhaashtay
Ayuu dhacadiidka
Dhagaaba furaystay
Xusuusna ka dhaartay
Dhaayaa aragooda
Dhamaaso hasaarin
Dharaar ha is waayin
Dhaliishiyo ceebta
Intaada bal dheeho
Dhegtaadana xeeri
Samaana hadhaafin
Aduunkiyo dhiiga
Colaadiyo dhawrta
Dhufaanada qooqay
Dhashii badar diiday
Dhufayskiyo shiishka
Dhunkaal lagu hoobay
Dhawaaqiyo taaha
Dhamaan ka sinaatay

Dhafoor warku yaala
Anaan kaba dhawrsan
Calaw dhaka faarka
Bulaaliyo dhoodi
Markaan baqal dhaafshay
Dharkayn kiyo ciinka
Dhilawyahan mooday
Dhabbii noloshayda
Habeen dhax ka doortay
Haduu dhulku ooyo
Dhaliisha ku maaleh
Shinida dhaqankeeda
Aboor dhaxalkiisa
Qudhaanjada dhaadan
Dhanbaalkiyo baaqa
Aqoonta ka dheego
Hankaaga ku dheewad
Hadii dhalankaaga
Wax sheegu dhibaayo
Dhagaysiga weedha
Hadaad ka dhabriirto
Dhanbaalada faanka
U dhoola cadayso
Jidkii dhahar qaado
Hadhuubka dhitaysan
Adaa dhami doono
kaliishiyo dhuuga
Dhal haadiyo oonka
Dhedoy ayaxaagan
Dhaqaalaha fuulay
Miyaanu wax dhaafin
Abaar la dhuyaalay
Cirkoo dhalma daayey
Habeen dhafarkiisa
Dhalaan kugu ooyey
Dhaameelkiyo laanta
Dhigaanka nin doontay
Dantiisa u dhoofay
Halkuu dhacadiido
Maxaa dhamac jiifta
Dhabeel nin jeclaaday
Asaan dhaqankeeda
Dheehaw garanaynin
Haday dhudi diido
Dhexbaa la noqdaaye
Canaanta dhankeeleh

Dhawdhawle afkiisa
Dhibbuu ku sitaaye
Qajeel iyo dhaaxa
Dhurdaan malab dayne
Arbaw dhitis kaagu
Xil waa dhalanteede
Maxaad ugu dhiiran
Baraa dhalankiisa
Dhurwaa socodkiisa
Dhegtiisiyo muuqa
Dharaar lagu maagay
Wuxuu yidhi dheega
Malaa dhinacayga
intuu dhidar joogo
Dhaliil ma mutaysan
Yaxaas dhagartiisa
Ilmuu ka dhigaaye
Afkaaraha Devid
In aan u dhegtaago
Dhabaa dimuq daarka
U dhoola cadeeyo
Habeen dhuxul qaato

Dhuu baa la xidhaaye
Dheegaw noloshayda
inaan dhalan doorsho
Dhib laygu amaano
Waxaan i dhaqaynin
Dhulkayga la keeno
Dhabcaal kama yeelin
Dhaqaale yabooha
Maxaan ugu dhiiran
Dhibaada u raadsan
Dhoomaa tala dayda
Nimaan dhaxal joojin
Maxaan ugu dhiibi
Dhalaanka sidiisi
Maxaan uba dhawr san
Dhar beena u qaadan
Cabdaw dhalanteedka
Run baa dhinac taala
Dharaar nin ka cawday
Habeen uma dhaamo

Xuquuq ma dhalaysa
Haweenka dhagaystay
Islaamka ma dhuuxin
Waxbaa la dhugtaaye
Aduunku dhac maaha
Abuurta ku dheehan
Nin dhuuni ku raadshay
Halkuu dhigay maaha
Awood nin ku dhaatay
Siduu dhahay maaha
Dhamayskiyo heega
Dhiskeeda nin ee gay
Aqoon ku dhawaaday
Yiqiinta ma dhaafo

Dhaqaaqiyo guusha
Jidkeedu ma dheera
Dhawaaqa islaamku
Horseed dhaba weeye
Dhashii Nabi Aadan
Hab loo dhigay weeye
Aduunkiyo dhaaxa
Hanaan dhaqay weeye
Hadaan cidi dhaamin
Maxaad uga dhawrsan

Dhigbaa la aslaaye
Tukaw dhalankaagu
Colaad iyo dhiilo
Hadaan dhib la sheegin
War dhiiflihi oo lin
Malaa laf ma dhuuxdid
Dhabbaal warintiisa
Nin keygan la dhuubtay
Habeen dhalad miihi
Qur baa uma dhoofin
Colaad iyo dhiilo
Hadaanan dhib sheegin
War dhiiflihi oolin
Hadhuubkiyo dhiisha
Dhankaan u aroorin
Dhalooshiyo boocda
Libaax kuma dhuunto
Dhacdooyinka waaga
Nin dhoohani eedye
Fircoon bal dhegayso
Dhafoorkana daawo.

DHAMAAD

Bandhige@gmail.com