Xisbiga Kulmiye laantiisa West London waxay qabteen shir lagu dardar galinayo hawlaha xisbiga

 

Waxa xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay lagu qabtay West London UK.  Xafladan oo ay soo agaasimeen gudiga xisbiga kulmiye ee galbeedka London lagu lafa guray xoojinta iyo dar dar galinta laanta ugu wayn UK ee West London.  Waxa sidoo kale lagu soo dhaweeyay kulan cash sharaf ah xubno ka soo diga rogtay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Ugu horayn waxaa halkaas ka.hadlay guddoomiyaha West London Rooble Cali oo si farshaxanimo ah u soo bandhigay hawlaha joogtada ah ee laantu qabato, in dedaal dheeri ah oo la geliyo qaadhaanka laanta, isagoo xasuusiyay xubnaha cusubna in xisbiga Kulmiye yahay xisbi ka dhaxeeya Somaliland iyo in ay leeyihiin xuquuq la mida xubnaha uga soo horeeyay intaba.

Waxa sidoo kale weedho baraarujin ah halkaas ka soo jeediyay Maxamuud Caare, Maxamed Faluuja, Cumar Xoore oo ah hawl wadeenada lafdhabarta laanta West London oo ku booriyay xubnaha in ay isu diyaariyaan olalaha doorashooyinka gaar ahaan sidii loo tegi lahaa oo muraaqibinta xisbiga cudud loogu dari lahaa.

Waxa iyana Goobta hadalo muhiima ka soo jeediyay haween waynaha Kulmiye ee galbeedka London oo ay ka mid tahay Guddoomiye-ku-xigeenka West London Muna Good, Sahra Nadalo, iyo Saynab Cumar iyaga oo soo dhaweeyay xubnaha cusub, kuna dhiiri doorka ugu balaadhan in dumarka galbeedka London ka qaataan olalaha doorashada ee inagu soo aadan.

Ugu danbayn waxa shirkaas lagu soo afmeeray jawi wanaagsan iyo xoojinta horumarka West London Kulmiye wado.

bandhige@gmail.com