Halkee ayay wax ka qaldan yihiin (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Hibooyin farabadan ayuu illahay bixiyaa oo baniaadamka siiyay, qofwalba ama umad walba wax ayaa laga siiyay, laakiin midbaa ugu muhimsan oo laysku haystaa.

Hadaba mar hadii ay tahay hibadii ugu muhimsanayd, qoladii  baadilku waxay doonaysaa inay iyagu hibadaa hantiyaan, qof wal oo illaahay hibadaa siiyay sidu kaga amaan helaa way adagtahay, dariiqooyin badan ayay u adeegsadaan sidii dadka hibadaa leh shabakadooda baadilka ugu soo dhici lahaa.

Inta aanay qofka hibadan leh u dhawaan, marka hore way daraaseeyaan qofka, waxay eegaan bal halka uu u jilicsanyahay, markaa halkaas ayay ka soo abbaaraan. Hadii uu u jilicsanyahay maalka xagaas ayay ka soo abaaraan, hadii uu ujilicsanyahay hibadiisaas uu leeyahay in loo hirgaliyo oo iyaga ka amarqaato way ku taageeraan, illayn waa sidii ay rabeen eh. Hadii ay arkaan qofkan inaanu marna u hogaansamayn waxay fallow geed galaan  sidii ay uga takhalusi lahaayeen, marna uma ogolaadaan, hibadaasi inay gacantooda iyo taladooda ka baxdo waayo wa hibo qaali ah.

Gaalkii ina gumaystay ama cisaabada uu inagu dhex beeray dadka hibadaa leh ayuun bay ugaadhsadaan oo ay hantiyaan, inta maxastuna way dabagashaa uun, mar hadii madaxii laga qabtay inta kale macno ma laha, waata soomalidu tidhaa ragu waa talo keen iyo aqbal keen, dalka Musanbiig wuxu ahaa dal muslim ah, imika muslimku waa tiro yar, gaalkii wuxu sameeyay uun culumadii ayuu ka laayay, markaa mushkilada ina haysataa jidh bilaa madax ah ayaynu nahay, waynu gawracnahay ismana ogin, waxaynu nahay neef la gawracay, dee neef la gawracay qiimo ma leh, waa in la karsadaa oo la cunaa uun, markaa waa taa qolodii timaadaaba ina cunaysa uun, illaa aynu madax yeelanana sidaa uun baynu ku jiraynaa.

Nin caalim ah ayaa had iyo goor waanin jiray madaxda, ninkaa caalimku wuxu yidhi waxaa khibrad lagu ogaaday hadii madaxdu hagaagto in maxastuna hagaagayso, markaa mushkilada ina haysataa waa dadkan ina hogaaminaya ayaa laynaga haystaa

Somalida ayaa tidhaa maska madax ayaa laga dilaa, waxa kaloo ay yidhaahdaan dumarku waa hilib raguna waa waraabe markaa hadii aanay yur iska odhan dee way cuni, waxaynu nahay hilib meel yaal, markaa waraabe walbaa waa kaa ina cunaaya, ilaa aynu madax yeelanana sidaa uun baa laynoo cuni.

Akhriste aan kuu soo gaabiya eh hibadaa laysku haystaa ee cidwalba doonaysaa waa hibad hogaaminta, hibadaa hogaaminta ahna illaahay ayaa bixiya sida uu hibooyinka kaleba  u bixiyo.

Markaa halka arinku ka qaldanyahay ee ay wax ka hagaagi laayihiin waxanu nahay jidh bilaa madax ah, waynu gawracnahay, bal adigu sawiro neef la gawracay.

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray: 

Dadkeenu xor maaha

Faataa dhugleh

Dadku maamul xumo ayuunbay ka cabanayaan uun 

Xamar ayaa carqaladaynaysa saldhiga 

Tolow Soomaalidii looma ooyaanka ahaa yaa ku dilay bada Yemen

Ribo Ribo Ribo 

Tolow muxuu Kulmiye u riixayaa in doorashadu waqtigeeda qabsoonto?

Waxaynu galnay xaalad kala guur, tolow siday noqon

Dhidar onkod kiciyay

Dhallinyartaay xaaladdu way adag tahaye faashashka badsada

Cadduur dhawdhawduba uma dhacsana

Dadkeenu ma istaahilaan in wadooyinka loo sameeyo

Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan

Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay

Golaha wakiiladu yay matalaan

Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?

Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com