CASARIYE: Ganacsade Inala wadaagaha tijaabooyinka iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay waxyaabaha burburiya ama kobciya ganacsiga

 

Casariye Q2aad ee barnaamijka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha waxyaabaha ganacsi kobciya ama burbirya

Waa Xalqaddii 2aad ee barnaamijka CASARIYE. Xalqaddii hore dulucdeedu waxa ay ahayd aragti ahaan iyo aqoon ahaan waxyaabaha ganacsiga kobciya ama burburiya.

Barnaamijkan waxa aanu ku waraysanaynaa Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar oo muddo ku soo dhex jiray ganacsiga, isaga oo shaqaale iyo loo-shaqeeyaba soo noqday.

Mudane, Aar waxa uu si faah-faahsan uga warami doonaa tijaabooyinkii iyo waayo-aragnimadii uu soo maray mudadii uu ganacsiga ku dhex jiray iyo sidii uu khaladaadii uu galay u saxay, taas oo keentay in uu meel gaadhsiiyo ganacsiga uu hadda mas’uulka ka yahay ee Shirkadda daabacaadda ee SAGALJET.

Dulucda barnaamijani waxa uu noqonayaa in aynu hoosta ka xariiqno kana faa’iidaysanno tallaabooyinka iyo hab-dhaqanka rasmiga ah ee uu ganacsi kobciisa ama burburkiisu ku xidhan yahay.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka barnaamijkan:

Xigasho: Wadaag TV

bandhige@gmail.com