Weeraro dhanka Internet-ku waxay ku baaheen dunida

 

Waxa lagu soo waramayaa in dhowr waddan oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Spain, Ruushka, Maraykanka iyo Shiinaha lagu qaadey weerar internet-ka ah oo xog lagala baxayo kombuyuutarradooda.

Daraasaad ay sameeyeen khubarada tiknoolajiyadda kombuyuutarrada iyo internet-kuna waxay muujisay in weeraradani uu isku xidhiidhsan yihiin.

Wasaarada caafimaadka ingiriiska ayaa sheegtey in weerar lagu qaadey xogta kaydka internet-kooda oo saameey cusbitaalada iyo dhakhaatiirta qoyska ee gobolka England.

Xarumaha adeegyada caafimaadka qaarkood ayaa dhamaanba xidhey kombuyuutaradoodii xogtu ugu kaydsanayd.

Waddanka Spain cusbitaalo badan oo ku yaala dhowr gobol ayey khasab ku noqotey in ay hakiyaan adeegyada gargaarka deg dega ah, dowlada Spain waxa kale oo ay sheegtey in dhowr shirkadood oo tilifoonada ah la weerarey xogtooda internetka.

bandhige@gmail.com