Af-hayeenka Madaxtooyada oo ka warbixiyey shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta iyo abaabulka shirka Kulmiye

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Somaliland oo ay xukuumaddu maamusho, waxa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qabsoomay shir aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda Somaliland kaas oo uu shir-guddoomiye ka ahaa ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne-ku-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi “Saylici.”

Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo shirka kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirka lagaga hadlay hawsha u-diyaar-garowga qabsoomida Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo arrimo kale oo la xidhiidha horumarka dalka.

Af-hayeenka Madaxtooyadu wuxu sheegay in shirka lagaga hadlay baahida loo qabo isku duubni iyo in sharafta xisbiga la dhawro isla markaana gacmaha la isku qabsado sidii shirkaasi u noqon lahaa midho-dhal.

Af-hayeenka Madaxtooyadu waxa uu sheegay in loollanka iyo xafiiltanka u dhaxeeya murashaxiinta Kulmiye aanay waxyeelo u gaysan midnimada xisbiga.

Af-hayeenku wuxu intaas ku daray in Madaxweynaha Somaliland oo saddex maalmood kadib dalka ku soo beegan ay ku-simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi “Saylici” ay telefoonka ka wada hadleen islana garteen in si dimuqraadi ah shirka looga dhex tartamo iyadoo aan turxaani jirin.

Qabsoomidda Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye ayaa hadda u muuqda mid ku qabsoomaya wakhtigii loo qabtay oo ah 10-ka November iyadoo qabanqaabada shirkuna ay si dardar leh u socot, walow ay jiraan murashaxiin cabasho ka muujiyey hannaanka Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ah murashax u taagan sidii uu u hanan lahaa murashaxa madaxweynenimada Kulmiye iyo Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici oo isaguna sida muuqata u taagan murashaxa Kulmiye ee madaxweyne-xigeenka, iyagoo ku eedeeyey in ay labadan masuul isku koobeen maamulka iyo abaabulka shirka isku koobay.

Murashaxiinta cabashada muujiyey waxa ka mid ah Wasiirka Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe oo iska bahaystay Muuse Biixi.  s

Hoos ka daawo warbixinta Af-hayeenka oo dhammaystiran: