Afhayeenka cusub ee Madaxtooyadda oo xilkii la wareegay

Xaflada xilwareejinta oo ka qabsoontay qasriga Madaxtooyada oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin kala duwan, Maamulka iyo shaqaalaha Madaxtooyada ayaa waxa xilkii kula kala wareegay Afhayeenka cusub Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye “Shamax” iyo Afhayeenkii hore Eng. Xuseen Aadan Cige “Xuseen Deyr”.

Ugu horeyn waxa xafladan ka hadlay Afhayeenkii hore Madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cige “Xuseen Deyr”, waxaan ka mid ahaa hadaladiisii:

“Run ahaantii waxay ii tahay sharaf  maamuus iyo milgo aad u baaxad weyn in aan la shaqeeyo muddo kooban Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxweynaha oo aan dhallinyartan hortiina joogta noqdo horjoogahooda, Xafiiskani waa xafiis aad u muhiima waa wax muhiima oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha  waa barta laga hago xogaha iyo warbixinada iyo wixii wara ee la faafinayo ee la doonayo in ay gaadhaan bulsahda waa xafiis leh qiimihiisa iyo muhiimadiisa, waxa maanta nasiib wanaaga oo ii suurta gashay in aan muddo yar oo kooban isbedel ku samayn karo, waxa kow ka ah Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda isaga la’aantii suurtogal may noqoteen xafiisku in uu yeesho waxa soo shaqaale ah maalintaan imi Xafiisku hal qol buu ku jiray, waxa suurogal noo noqotay anigoo taageero ka helayna iyo tusaale Wasiirka Madaxtoyadda in aanu helno xafiisyadaa tirada badan ee maanta ay shaqaaluhu ku shaqaynayaan.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxay uu yidhi:

“Taasina waxay muujisay qiimaha Saxaafadu u leedahay qaranka ha noqoto baahiyaha gaarkee jira Wasiirka Madaxtooyadu runtii intii aan ahaa afhayeenka mahad aan la koobi  Karin oo aad u baaxad weyn baan ka sheeganayaa isagaana ii suurta geliyey isbedelkaa la taaban karo inaan meesha ka suurtogeliyo, Shaqaalaha markay noqoto waa shaqaalaha ugu howsha badan waana xafiiska ugu hawsha badan marka laga reebo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Wasiirkoo kale 24 saacadood waa dad shaqadooda u diyaara safarada marka la eego waa dadka isku daya talaabo kasta oo Madaxweynaha iyo waftigiisu ay qaadayaanba ay warbaahinta qaranka iyo ta dibadaba u gudbiyaan markaa waxan leeyahay Afhayeen Shamax waxaad haysataa dhalinyaro aqoonyahano ah diyaar u ah inay kula shaqeeyaan fahansan mihnadooda akhlaaq fiican afkooda ka adag midna mid aanu ku xad gudbin keliya waxay u baahan yihiin uun xafiisku baahiyihii uu lahaa indhaha lagu hayo”.

Afhayeenka cusub ayaa waxa uu isaguna ka hadlay gabagabadii xaflada Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye “Shamax” ayaa waxa uu ugu horey u mahadnaqay shaqaalahad wasaaradda Madaxtooyadda, waxaan hadaladiisii ka mid ahaa:

“Wasiirka wasaarada Madaxtooyadda, Afhayeenkii hore, wasiirka wasaarada Cadaalada iyo dhammaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha waaxyaha wasaarada Madaxtooyadda, dhammaantiin waad salaaman tihiin, marka hore ilaahaybaa mahadle oo maanta igu simay in aan halkan kula wareego shaqada, marlabaad waxa mahadleh Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo xilkan ii magacaabay waxa kale oo mahad leh marwada Madaxweynaha, sidoo kale waxaan aad ugu mahad naqayaa wasiirka wasaarada madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah shaqsi kaalin wayn runtii ka qaatay in halkan aan imaado, sidoo kale aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa dhammaan dadkii isoo hambalyeeyey  ee wasiirada iyo dadka kaleba lahaa ee aadka u tirada badnaa.”

Sidoo kale masuuliyiinta tiro badan oo ka hadlay xafladan ayaa waxay xuseen ahmiyada aya leeyihiin Afhayeenka iyo uguna duceeyey in xilkaasi u fudeeyey Afhayeenka cusub.

bandhige@gmail.com