Afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibada Dalka Itoobiya oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland Iyo Masar

Afhayeenka wasaarada Arrimaha Dibada Dalka Itoobiya oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland Iyo Masar

Afhayeenka wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya,Deni muftih oo wax laga waydiiyay safarkiisii Somaliland iyo saldhiga Somaliland Masar siinayso, ayaa ku jawaabay siddan:-

 

“Dalka Masar waa dal madax banaan, dalka kastana xidhiidh way la samayn karaan, Somaliland, Soomaliya ama Sudan ha noqoto.  Markasta waa innuusan xidhiidhkaas noqon mid Itoobiya halis(Khasaare) ku ah, middaas ayaa ah diilinta casaanka ah ee aan laga gudbi karin. Somaliland iyo dalalka kalee Sudan ku jirtana waxaan usheegaynaa innaysan galin heshiis madax banaanida,amniga iyo jiritanka Itoobiya halis ku ah”

 

Siddoo kale wuxuu waraysigan kaga hadlay xiisad biyaha ee dalalka Sudan iyo Masar iyo waliba wadda haddalada bilaaban doona. Wuxuu kaloo ka hadlay xidhiidhka Maraykan-ka iyo Itoobiya u dhaxeeya oo uu ku tilmaamay mid labbada dhinacba dan ku qabbaan oo aan Itoobiya kaligeed ku khasaaraynin.

 

Haddaladiisii umbaan si toosa usoo turjumay. Haddalkiisa kuma jirto sheekoyinka dadku isla dhex socdaan ee ah innay Itoobiya Somaliland u aqoonsatay maamul Gobaleed.

 

Muuqalka ciddii u baahana linkigan Tiifiga Itoobiya haka daawato. https://www.facebook.com/EBCzena/videos/343938866598508/?app=fbl

 

Xigasho: shabakada VOSS TV