Afqaanistaan: 14 qof oo Shiico ah ayaa lagu dilay weerar

Ugu yaraan 14 ruux ayaa ku dhimatay in ka badan 30 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaadhay kadib markii dabley ku labisneyd direyska ciidamada Afqaanistaan ay Salaadadi shalay weerareen macbad ay dad badan oo Shiica ah ku cibaadeysanayeen guddaha magaalada Kaabul.

Goobjoogayaal iyo saraakiil ka tirsan Dawladda ayaa sheegay in qof naftiis hure ahi uu isku qarxiyey goobta ka hor inta aysan kooxaha hubeysan guddaha u galin macbadka xaafada Khariidatu Sakhi ee magaalada caasimada ah ee Kaabul.

Ciidamada ayaa toogtay laba ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday oo goobta heystay ku dhawaad hal saac.

Salaasadii shalay ayaa ku beegneyd maalinta cashuura 10-ka bisha Muxarram ee sannadka Hijrada Islaamka oo ay Muslimiintu soomaan.

Dadka heysta madhabta Shiicada ee Islaamka ayaa 9-ka iyo 10-ka bisha Muxarram sameeya isu soo baxyo waaweyn oo ay ku xusaan dilka Imam Xuseyn oo ahaa mid ka mid ah wiilashii uu awoowga u ahaa Nabi Muxamed (Naxariis iyo nabadgalyo kor kiisa ha ahaatee).

bandhige@gmail.com