Ishi buktayey ku bikaacso (WQ: Ladiye Maxamed Aadan “Gabaloos”)

Asalaamu-Calaykum DhamMaantiin waxaan ugu horeyn aan Salaamayaa Dhammaan Bulshada kala duwan ee Reer Somaliland guddo iyo dibedba, marka xigta waxay mahadi u sugnaatay Alle subxaana watacala oo wax kasta inoo surta galiyey, marka xigta waxaan halkan idiin ku soo gudbin doonaa Maqaal ama Qormo aan halku dhig uga dhigay Ishii buktayey ku bikaacso.

Markaan arkay hanaanka, himilada iyo higsiga iyo horumarka siyaasadeed ee uu ku Talaabsaday muddooyinkii u dambeeyey Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo sidoo kale hanashada quluubta siyaasiyiin saamayn weyn ku lahaa saaxada siyaasada Somaliland iyo suud ahaanba Geeska AfriKa iyo taageerayaal mug iyo miisaanleh oo isbadaldoon ah kuwaasi oo go, aansadey in ay garab istaagaan isla markaasina taageero baaxad leh u muujiyaan xisbi waynaha Waddani kas oo ka turjumaya midnimada iyo qaranimada iyo masayrka mustaqbal u Waddani reer Somaliland leedahay. kaasi oo xaqiiq ku dhisan Talo-Wadaag, isku-tanaasul iyo tudhaale.

Markay arkeen badiba shacbi waynuhu in aanu kasoo bixin xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye midnimadi, dimuquraadiyadi iyo qaranimadi Somaliland waxa la go’aansaday in la aasaaso xisbi ku dhisan dimuquraadiyad, cadaalad, sinaan iyo midnimo qaran oo waxgarada iyo waayeel iyo dhalinyaro, aqoonyahan iyo  haweenba leh garab istaageen xisbiga waddani. Taasi oo aan aaminsanahay in la Mahadindoono lagana dheefidoono waxtarkii laga waayay xukuumadda talada Dalka haysa iyo Xisbigeeda Kulmiye.

Waxay u muuqata in Somaliland maanta ugu horayso xisbi midha dhal buuxa laga heli karo u dhashay dalka iyo ummadda reer Somaliland-ba uuna yahay Xisbiga Waddani kaasi oo hadda lawada hantiyey haaneedka higsiga siyaasadeed meelna iskugu keenay xubnihi ugu culusa saaxada siyaasada Somaliland iyo sidoo kale bahweyntii isbadaldoonka kuwaasi oo markay arkeen in xisbiga Waddani yahay xisbiga kaliya ee noolayn kara rajada, himilada iyo hiigsiga Somaliland aynu markhaati ka nahay in ay dhawaan ku soo wada biyo shubteen iyaga iyo taageerayaashoodiiba, waxaan leeyahay ummadda reer Somaliland ilayska Waddani ee baxaya waa ilayskii daari laha Somaliland gabi ahaanteedba.

Xukuumada dalka haysa ee Kulmiye waxay noqotay xukuumad lagu hungoobay oo lagu qasaaray oo wax tarkeedu aad iyo aad u liito waxa Illaahay inoo dhaliyey xisbiga Waddani ee ku dhisan mabaadida aan kor ku  xusay waxaan leeyahay intii ka hadha Waddani waa inta jecel in qaranimada Somaliland dhaawac iyo burburkeeda jecel, waxaan kaga baxaya qoraalkayga hadba halkii la hubo ee hubsiimo taalo ayaa loo hub guranayaa.

Allah-Mahadleh

Ladiye Maxamed Aadan “Gabaloos”