Xisbiga Waddani wuxu shaaciyey magacyada murashaxiinta madaxweyne-ku-xigeenka, wuxuna caddeeyey in aan Guddoomiye Cirro lala tartami doonin

 

Xoghayaha Guud ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde oo la hadlay telefishanka Horn Cable TV ayaa tibaaxay in murashaxa madaxweynenimo ee xisbiga Waddani la isla qaatay in aan lagula tartamin Guddoomiyaha hadda ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, halka ay ku-xigeennadana u tartami doonaan murashaxiinta kala ah Axmed Muumin Seed oo ah guddoomiye-ku-xigeenka Waddani iyo Dr. Maxamed Cali.

Labada murashax ee u tartamaya madaxweyne-xigeenku waxay ka soo jeedaan gobolka Awdal, waana labo marashax oo  la filayey in ay shirka Golaha Dhexe isla iman doonaan kadib markii shirka dibaddiisa lagu sii kala saari kari waayey ama ay isku tanaasuli waayeen sida ay tibaaxayaan wararka aanu helnay.

Axmed Muumin iyo Maxamed Cali waxay ka soo dhex baxeen lix murashax oo araajidooda kala shaandhayn lagu samaynayey maalmihii ugu dambeeyey waxayna noqdeen labada kaliya ee buuxiyey shuruudihii loo baahnaa sida uu tibaaxay Xoghaye Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.

Labda murashax oo wehelinayey Maxamed Cabdillaahi Uurcadde ayaa sheegay in ay u hoggaansami doonaan natiijo kasta oo ka soo baxda Shirka Golaha Dhexe ee Waddani.

Xanta suuqa ku jirta oo aanaan xaqiijin karin ayaa sheegaysa in hoggaanka xisbigu uu wato Dr. Maxamed Cali lana filayo in taageerayaasha Waddani badankoodu isaga u codeeyaan.

Shirkii Golaha Dhexe ee Waddani ayaa la muddeeyey in uu qabsoomo 19-ka October, waxaanay u muuqataa in uu si buuq-yaraan ah u dhici doono maadaama arrimaha badankoodii shirka dibaddiisa lagu sii dhammeeyey.

Xisbiga Waddani ayaa noqon doona kii labaad ee qabsada Shirkiisa Golaha Dhexe soona xula murashaxiinta uga qayb-galaya doorashada madaxtooyada ee muddaysan 27-ka March 2017 iyadoo uu xisbiga Kulmiye murashaxiintiisa soo saaray bishii November ee kal hore.

Xisbiga UCID oo beryihii ugu dambeeyey la dhutinayey khilaaf ragaadiyey ayaan la ogayn goorta uu isaguna soo saari doono murashaxiintiisa.

Bandhige@gmail.com