Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha: Shantii qof ee ugu horreeyey waxaanu u shaqaalaysiinay si caddaalad ah

 

Guddoomiyaha cusub ee Hay’adda Shaqaalaha Sharmaarke Axmed Geelle ayaa sheegay in ay maanta shaqaalaysiiyeen shan qof oo ka hawl-geli doona Mashruuca Tayaynta iyo Dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda, kuwaas oo laga dhex xushay 187 qof oo jagooyinkaas u tartamayey.

Guddoomiyaha oo bartiisa Facebook-ga qoraal kooban ku baahiyey wuxu ku nuuxnuuxsada in kooxdan si caddaalad ah loo shaqaalaysiiyey, waana kuwii ugu horreeyey ee la shaqaalaysiiyo intii uu xilka qabtay.

“Waxaan qaadnay tallaabo walba oo ku habboon in aan helno guulayste aan hayb ku helin ee heddel iyo hawl ku horumaray” ayuu yidhi Guddoomiye Sharmaarke.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu wuxu si dadbadan u sheegay in ay hawshan wada-jir u kormeerayeen wasiirro, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo saraakiisha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, wuxuuna qormadiisa ku soo gabo-gabeeyey hal-ku-dhegga ah “Caddaalad aan ciil lahayn.”

Hannaanka shaqaalahan loo qaatay waxay war wanaagsan u noqon doontaa dhallinyarada jaamacadaha ka qallin-jabiyey oo muddo dheer  ku cabanayey in shaqaalaha dawladda loo qaato hab qabiil iyo waji-garasho ku dhisan.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ayaa markii xilka loo magacabaaya ballan-qaaday in hay’adda uu madaxda ka yahay ay meesha ka saari doonto shaqaalaysiin ku dhisan caddaalad la’aan isla markaana hubin doonto in shaqaalaha lagu doorto aqoon iyo karti.

“Dhallinyarada oo dhan shaqooyinka ma wada gaadhsiin karno, laakiin caddaaladda ayaanu gaadhsiin doonaa” ayuu yidhi mar uu ka hadlayey xafladdii uu xilka kula wareegay.

Sharmaarke waa masuulkii ugu da’da yaraa ee guddoomiye u noqda Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, wuxuuna hore uga soo shaqeeyey Wasaaradda Madaxtooyada iyadoo uu ahaa Xoghayaha Golaha Wasiirrada. Madaxweyne Siilaanyo ayaa xilkan u magacaabay bishii siddeedaad ee sannadkan wakhtigaas oo uu isku-shaandhayn muhiim ah ku sameeyey xukuumadda.

hayadda-shaqaalaha2 hayadda-shaqaalaha

BANDHIGE NEWS

Bandhige@gmail.com