“Itoobiya awood xad-dhaaf ah umay adeegsan bannaan-baxayaasha” Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya

 

Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Xayle Mariam Deselegn ayaa maanta ka hadlay mudaharaadyada rabshadaha wata ee ka socda gobollo ka mid ah dalkiisa wuxuna sheegay in aanay jirin awood xad-dhaaf ah oo ay u adeegsadeen booliiska Itoobiya dadkaas mudaharaadaya, haddii ay wax ka jiraana baadhitaan lagu samayn doono.

Ra’iisal-Wasaare Deselegn wuxu hadalkaas sheegay maanta mar ay dalkiisa soo booqatay Ra’iisal-Wasaaraha Jarmalka Angela Marker oo ugu baaqday in siyaasadda Itoobiya noqoto mid loo dhan yahay mucaaradkana loo oggolaado in ay ka qayb-galaan xukuumadda.

Koox u doodda xuquuqda aadamaha oo la yidhaa Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay New York ayaa shacbiga mudaharaadyadaas ku naf-waayey ku qiyaastay 500 halka ay dadka isticmaala warbaahinta bulshadu tibaaxeen in dhimashadu intaas ka badan tahay.

Hase ahaatee xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in tiradaasi tahay mid la buunbuuniyey.

Mudaharaadyada ka socda Itoobiya waxay bilaabmeen bishii 11-aad ee sannadkii hore waxaana bilaabay qowmiyadda Oromada oo ugu tiro badan dadlkaas, muddo kadibna waxa ku soo biiray qowmiyadda Amxaarada oo ah qolada labaad ee ugu tiro badan Itoobiya.

itoobiya-mudaharaadyo

Mudaharaadyadu markii hore waxay ka kaceen cabasho dhinaca dhulka ah, laakiin markii dambe waxay isku rogeen qaar siyaasadeed iyadoo qowmiyadaha Oromada iyo Amxaaradu ay ku doodayaan in ay ku yar yihiin ciidamada iyo xukunka labadaba.

Xukuumadda Itoobiya ayaa Isniintii ina dhaaftay rabshadahan ku eedaysay Ereteriya iyo Masar, dawladahaas oo aan weli ka jawaabin eedayntaas.

Itoobiya waxay ka mid tahay waddamada nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ay bilawday in ay ciidamadeeda la baxdo culayska kaga yimid dhinaca dalkeeda darteed, meelaha ay ciidanka kala baxdayna waxa ka mid ah Ceel-Cali.

Il-wareed: Aljazeera