Dadweynaha Ingiriiska ayaa waxay maanta u dareereen goobaha codbixinta in ay ka sii mid ahaadaan Midowga Yurub iyo in kale.
Qiyaastii 46,499,537 oo qof ayaa xaq u leh in ay codkooda ka dhiibtaan aftidan, waana tiradii ugu badnayd ee codbixiyeyaal ah oo abid ka qayb qaata doorasho dalkaasi ka dhacday.
Aftidan ayaa noqonaysa aftidii saddexaad ee soo marta taariikhda dalka Ingiriiska, waxaanayn ku soo beegmeysaa kaddib olole socday afar bilood oo lagu doonayay in dhinacyada iska soo horjeeda ay ku hantaan kalsoonida codbixiyeyaasha.
Dhinicii ku guuleysta in ka badan kala badhh codadka la dhiibta ayaa ku guuleysan doono aftidan.
Natiijada aftida ayaa la filayaa in la ogaado ka hor inta aan lagu dhawaaqin maalinta Jimcaha.