Labeenta aqoonyahanka Gobolka Awdal oo ku biiray Kulmiye

 

Sida uu ku soo warramayo weriyaha Bandhige u fadhiya gobolka Awdal, waxa maanta ka hillaacay xisbul-xaakimka Somaliland labeenta aqoonyahanka Gobolka Awdal, kadib markii ay ku qanceen siyaasadda iyo hoggaaminta xisbiga.

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay huteelka Haldoor ee magaalada Boorama xalay (22/06/2016), taas oo ay ka qaybgaleen hoggaanka Kulmiye oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Axmed Cabdi Dheere, Xoghayaha Guud Xasan Siciid Yuusuf, Afhayeenka xisbiga Xasan Gaafaadhi, siyaasiyiin kale oo ku jira xisbiga, madaxda xisbiga ee Gobolka Awdal, xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka, dhallinyaro iyo taageeraal ka mid ah kuwa xisbiga ee Boorama, waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey aqoonyahan tiradoodu dhawr iyo toban xubnood tahay oo ah haldoorka wax ka dhiga jaamacadaha dalka, gaar ahaan kuwa Boorama, kuwaas oo si rasmi ah ugu biiray Kulmiye.

Aqoonyahanka iyo waxgaradka gobolka Awdal kasoo jeeda ee ku qancay inay la midoobaan bahweynta xisbiga Kulmiye ee loo xafladeeyey, waxa ka mid ahaa, Prof. Daahir Maxamuud Xaddi, Prof. Maxamed Diiriye Cabdi, Prof. Ibraahim Maxamed Cumar, Prof. Khadar Cabdi Khayre, Prof. Jaamac Maxamed Baakistaani, Dr. Maxamed Cismaan Qoofal, Prof. Cabdi Axmed Good, Prof. Axmed Cabdillaahi Tallan, Prof. Cabdiraxmaan Daahir, Dr. Cabdiraxmaan Cumar Geldi, Prof. Maxamed Cali Nuur, Maxamuud Aadan Suldaan, Jaamac Cilmi Cige (Sarsar) iyo Muxyadiin Muxumed Maxamed.

Prof. Daahir Maxamuud Xaddi oo hoggaaminayey xubnaha aqoonyahanka ah ee KULMIYE ka hillaacay, ayaa faahfaahiyey ujeeddada ku dhiirrigelisay inay xisbiga ku biiro, waxaanu hoosta ka xarriiqay inuu si weyn ula dhacsan yahay ka mid ahaanshaha xisbiga KULMIYE, isagoo sharraxaya arrintaasna waxa uu yidhi:

Aniga waxa igu dhiirrigeliyey inaan xisbiga Kulmiye imaaddo inaannu Guddoomiye Muuse Biixi marka xagga cilmiga la eego meel nalaga soo wada canqariyey, waayo caqli baa lagu meel maraa, cilmi baa lagu ciil baxaa, talona waa lagu cuud dhaqaayoo CAMMUUD baanu kasoo wada baxnay. Isku duubnida Somaliland waa lama huraan, wax dhaawaci kara oo xisbiga aan la imanayaana ma jiraan.”

Sidoo kale, Prof. Maxamed Diiriye Cabdi iyo Prof. Jaamac Maxamed Baakistaani oo ka mid ah hormoodka aqoonyahanka la midoobay xisbiga Kulmiye, ayaa cod dheer ku sheegay inay diyaar la yihiin, codkooda iyo cududoodana la garabgeli doonaan xisbiga, is markaana si hagar la’aan ah ula shaqayn doonaan.

Xubno ka mid ah golaha deegaanka degmada Boorama ee Kulmiye oo madasha ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey aqoonyahannada gobolka u dhashay ee maskaxdooda iyo taageeradoodaba ku biiriyey xisbiga, waxaanay tilmaameen in taageerada xubnahani muujinayso sida uu xisbigu u hantiyey quluubta shacabka reer Awdal.

Maayarkii hore ee degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi isaguna madashaa ka hadlayaa ayaa waxa uu yidhi:

“Waqtigii dawladdii UDUB Gobolka Kulmiye meel buu ka taagnaa, UDUB-na meel bay taagnayd, markaana wax baanu xeerinaynay oo dhinacaasaanu u wada ciirnay, laakiin maanta wax meel kale ku jiraa ma jiraane xagganaa (Kulmiye) loo soo wada ciiray, waxaanan leeyahay dadka sidii la isugu wadi lahaa ayuun bay arrinteedu taallaa, laakiin dadku way wada joogaan oo waa wada Kulmiye, umana malaynayo meelo kale inay wax innagaga maqan yihiin cidda meel kale indhaha u lalinaysana halkii ay waxyaalleen waad joogtaan, aqoonyahanka maanta nagu soo biirayna waxaan leeyahay cid idinka dambaysa oo aad dib u eegtaan ma jiraan, dad maanta beesha ka tirsan oo maqani ma jiraan oo xisbiga Kulmiye ayaa loo soo wada leexday.” 

Chief Caaqil Daahir Cismaan Cabdi oo ka mid ah cuqaasha Gobolka Awdal oo isaguna madasha lagu soo dhaweynayey aqoonyahanka ah ee gobolka u dhashay ee xisbiga ku soo biiray, ayaa isaguna tilmaamay in baahi weyn loo qabo ballaadhinta xisbiga, isla markaana reer Awdal haatan diyaar u yihiin inay xisbiga dhinacooda qabsadaan.

Dhinaca kale, Afhayeenka xisbiga Kulmiye Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa si weyn u soo dhaweeyey bahda aqoonyahanka ah ee xisbiga ka midka noqotay, isagoo ugu bushaareeyey inay la bahoobeen xisbi aan cidina ka xigin, waxaannu yidhi:

“Mar haddii aad xisbiga soo gasheen xisbigu waa xisbigiinii, mar haddii aad soo gasheena kii hore u joogay iyo kiina haatan soo galayba waad u siman tihiin, waxaanuna idiinka mahad naqaynaa mar hadii idinkoo labeentii iyo aqoontii reer Awdal ah aad go’aan sateen oo ku qanacdeen inaad kalsoonidiina siisaan xisbiga, go’aankaasina waa mid aannu filayno in aqoonta inteedii kalena ay waddadaas soo raaci doonaan oo ay xisbiga qayb ka noqon doonaan, waxa keliya ee maanta xisbi ku dhismi karaana waa in aqoontu u soo diyaargarowdo inay siyaasadda qayb ka noqoto.”

Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo isaguna ka mid ah siyaasiyiinta Kulmiye oo madasha ka hadlay, ayaa isaguna si weyn usoo dhaweeyey bahda cusub ee ku soo biirtay xisbiga, waxaana uu shacabka reer Awdal kula dardaarmay inay aqoontooda uga faa’iideeyaan axsaabta qaranka.

Gebogebadii, Guddoomiyaha Kulmiye, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, ayaa uga mahadceliyey aqoonyahanka go’aankooda ku biirista xisbiga oo uu ku tilmaamay mid muhiimad wayn ku soo kordhinaysa xisbiga iyo taageeradiisaba.

Waxa kaloo uu ka hadlay qiimaha aqoontu leedahay, isagoo hoosta ka xarriiqay in la gaadhay xilligii ay Somaliland dhexdeeda aqoontu shaqayn lahayd, waxaannu yidhi:

“Waayo-aragnimadu waxay ina baraysaa inay noloshu ku horumarto, sidaas darteed haddii aynu marxalado badan ka soo gudubnay oo kolba la odhan jiray waa xal iyo arrintaas sidaas halloo titibiyo 25 sanno kadib Somaliland waxay taagan tahay waqtigii ay ku dhaqmi lahayd aqoonta ee ay ka bixi lahayd xeer-jajabka. Aragtida Kulmiye-na waa haddii aynu doonayno inaynu hore-u-marno oo aynu midowno waa inaynu aqoon dugsanaa, waayo aqoontu waxay innaga joojinaysaa dulmiga oo waxay ina baraysaa caddaaladda.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxa innagu waajib ah inaynu u irkano xagga aqoonta, haddii aynu doonayno inay dhaqaalaheena hor-u-qaadno oo aynu ka gaashaamano tahriibta oo aynu doonayno inaynu ictiraaf helno oo golayaasha caalamka ka qaybgalno waxaynu ku meel mari karnaa aqoon ee kuma meel karno qabyaalad, haddii aynu doonayno inaynu dhisanno ciidamo dalka nabadgelyo u sameeya iyo Boolis wanaagsan oo ammaankeena suga innagana ina ammaangeliya, booliska waxa aynu ka rabnaa inuu innaga qabto ninka tuugga ah ee dadka dhibaya, taasna waxa aynu ku gaadhi karaynaa waa aqoon.

Murrashax Madaxweynaha Kulmiye waxa uu xusay in xisbiga oo kaashanaya aqoonta iyo cilmiga ay ka go’an tahay inuu qanciyo cid kasta oo la tartamaysa iyo cidda codaynaysaba, isla markaana uu ku hubaysan yahay ahdaaf  si weyn miisaanka loo saaray oo ay soo hufeen dad aqoontoodu meel durugsan gaadhsiisan tahay, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Haddaanu Kulmiye nahay aad baanu u raadinaynaa dadka aqoonta leh inaannu qancinno, shaqadayaduna waa dadka inaannu ku qancino waxaannu doonayno inaanu ku dhaqanno, aniga waajibkaygu waa inaan qanciyo Cirro  iyo Faysal (WADDANI iyo UCID) wadadda ay hayaan inay tani ka fiican tahay, nina la qasbimaayee wixii aynu hayno ayeynu dadka hordhigaynaa waxaana aynu ku kalsoonahay waxaannu dadka hordhigaynaa inuu noqonayo mid qancinaya iska dhaaf dadka dhexe oo xataa xisbiyada naga soo horjeeda, waayo barnaamijka xisbiga waxa qoray dhawr iyo konton aqoonyahan oo ka ugu yari Degree yahay (shahaadada koowaad ee jaamacadda), taasaana nin walba  qancinaysa.”

Xubnaha aqoonyahanka ah ee xisbiga Kulmiye kaga soo biiray gobolka Awdal, waxay sii xoojinayaan guulaha is-daba joogga ah ee xisbigu dhawaanahan ka soo hoynayey dalka, gaar ahaaan Gobolka Awdal, iyadoo ay dhawaan uun ahayd markii uu xisbigu hantay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo miisaan culus ku leh shacabka dhexdiisa.

xafladda aqoonyahanka_019

????????????????????????????????????

xafladda aqoonyahanka_021

 

bandhige@gmail.om