Agaasimaha guud ee hawlaha guud Maxamuud Suldaan Aadan ayaa ka qeybgalay kulan hawleed lagaga tashanayey xeerka ciidanka dab-demiska Qaranka Somaliland.

Kulankan oo lagu qabtay Xarunta Golaha Wakiiladda, ayaa waxa Furay kulanka Gudoomiyaha Guddida Arimaha Gudaha Mudane Axmed Nuur Guruuje, waxaana Goob-joog ahaayeen Xildhibaanada Guddida ku jira, Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Sareeyo Guuto Axmed Sawaaxili, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada hawlaha Guud Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. Maxamed-cali Axmed Xuseen, iyo Xildhibaano ka socday Dawlada Hoose Hargeysa, Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka iyo Masuuliyiin Kale.

Hay’addaha uu uu furmay kullankaas wada tashiga ayaa ahaa 10 Hay’addood oo dawli ah oo kulankan si gaara loogu casuumay iyo khubaro, maadaama ay xidhiidh la leeyihiin xeerkan.

Gudida ayaa hore ula wadaagtay xeerkan oo qabyo qoraal ah si ay talooyin iyo aragtiyahooda ugu daraan intaan Gole Weynaha la horgeynin, waxaana maanta lagu lafaguray talooyinkii la soo uruuriyay.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska S Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili iyo Duqa Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ka hadlay ahmiyada xeerkan, waxaanay soo jeediyeen talooyin muhiima oo ku saabsan meel marinta xeerkaas, oo ah mid qaranka muhiim u ah.