Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha waxa tababar u soo xidhay 30 dhalinyarro ah oo ka kala socday ururada dhalinyaradda Iyo xarumaha barakayaasha Hargeysa

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasin ayaa maanta tababar usoo xidhay 30 dhalinyarro ah oo ka kala socday ururada dhalinyaradda Iyo xarumaha barakayaasha Hargeysa.

Tababarkani ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Waaxda Dhalinyaradda Ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Mustafe Cali Nuur, madaxa arrimaha dhalinyaradda Ee hay’adda UNFPA Cabdicasiis Maxamed Faarax oo iyaguna ahaa masuuliyiinta sida wayn uga soo shaqeeyay in tababarada noocanoo kale ah looga faaideeyo dhalinyaradda reer hargeysa.

Tababarkan oo ay ka faaidaysteen 30dhalinyarro ah ayaa wuxuu usocday muddo 2cisho ah, iyada oo intaasi uu socday lagu baray dhalinyaradaasi sida kaambaynada waxtarka leh loo sameeyo ee ay kamid tahay wacyigelinta bulshada iyo yaraynta rabshadaha.waxaana sidoo kale tababaradani ay kaqayb qaadanayaan kor uqaadida iyo tayaynta aqoonta dhalinyaradda reer somaliland, iyada oo welibana halkaasi laga sii wadi doono, si isku mid ahna loowada gaadhsiin doono gobolada dalka.

 

bandhige@gmail.com