Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha oo furay tartanka wacyi-gelinta dhallinyarada oo ay maalgelisay UNFPA

Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Axmed “Dhabeeye” ayaa maalintii shalay furay tartan kubadda cagta ah oo hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA ay qabatay, kaas oo dhallinyarada da’yarta ah lagaga wacyi-gelinayo aafooyinka ku gedaaman.

Tartankan ayaa waxa ka qayb-galaya 8-kooxood oo kooxaha da’yarta ah oo degmooyinka Hargeysa ka kala socday ayaa lagu qabtay garoonka doogga mac-malka ah ee Power League, waxaana furitaankii tartankan ka soo qeyb-galay Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), Agaasimaha waaxda Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil, Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Cabdilaahi Kheyre Cawaale “Gacal”, Saraakiil ka socday hay’adda UNFPA iyo mulkiilaha garoonka Power League oo iyagu tartankan soo qaban-qaabiyey.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay kana war-bixiyey ujeedada ay tartankan u soo qaban-qaabiyeen mulkiilaha garoonka Power League Cabdi Ismaaciil, waxaana uu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in dhallinyarta da’yarta ah laga wacyi-geliyo aafooyinka cudurka HIV/AIDS-ka, Tahriibka iyo Maandooriyaha, isagoo sidoo kale hay’adda UNFPA uga mahad-naqay maal-gelinta tartankan.

Gudoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Cabdilaahi Kheyre Cawaale “Gacal” ayaa isaguna uga mahad-celiyay hay’adda UNFPA iyo wasaaradda ciyaaraha tartankan, waxaana uu xusay in tartamada noocan ahi ay faa’ido weyn u leeyihiin dhallinyarta da’yarta ah.

Axmed Cabdi Jaamac oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda UNFPA ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaana uu si qoto dheer uga war-bixiyay tartankan iyo muhiimada uu u leeyahay in dhallinyaro noocan oo kale ah ay u qabtaan, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa:

“Waxaa noo farxad ah ka hay’ad ahaan inaanu 8-kooxood oo dhallinyarada da’yarta ah aanu tartankan u qabano, kaas oo lagaga wacyi-gelinayo aafooyinka cudurka HIV/AIDSka, Tahriibka iyo Maandooriyaha oo maanta la ogyahay inay deris la noqdeen dhallinyarteena. Tartankani noqon maayo kii ugu horeeyay ee aanu qabano ama qabanayno, waxaa noo qorshaysan kuwo kale oo dhallinyarta lagu wacyi-gelinayo sidoo kalena lagu dhiiri-gelinayo. Waxaan u mahad-naqaya wasaaradda ciyaaraha iyo mulkiilaha garoonkan, sidoo kale waxaan dhallinyarta ciyaartoyda ah aan leeyahay muhiimadu maaha inaad ciyaartaan uun laakiin ujeedadu waa inaad u dhago-nuglaataan wacyi-gelinta tartanka”.

Waxaa sidoo kale iyaguna halkaasi ka hadlay Ridwaan Maxamed Ibraahim oo ka socday hay’adda IRADA iyo Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil, waxaana ay xuseen in tartankani uu yahay mid loo baahan yahay in dhallinyarta dalka lagaga wacyi-geliyo dhibaatooyinka ku gedaaman ay ka midka yihiin aafooyinka cudurka HIV/AIDSka, Tahriibka iyo Maandooriyaha.

Ugu dambeyntii waxa halkaasi ka hadlay furayna tartankan Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye, waxaana uu hay’adda UNFPA, mulkiilaha garoonka iyo haldoor Iid Jibriil ku bogaadiyey sidii ay qabsoomida tartankan uga hawl-galeen, waxaana sidoo kale dhallinyartii sideeda kooxood uu u sheegay inay ka fogaadaan dhibaatooyinka deriska la ah oo u baahan in si wada jir ah looga hor-tago, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa:

“Ugu horeyn waxaan jeclahay inaan u mahad-celiyo hay’adda UNFPA oo ka wasaarad ahaan aanu leenahay wada shaqayn balaadhan haday noqoto dhanka dhallinyarada iyo ciyaarahaba. Waa run maaha tartantankani kii ugu horeeyay ee ay qabato hay’addani, laakiin waxa ay ujeedadu tahay dhallinyarooy inaad fahamtaan oo aad ka faa’ideysataan wacyi-gelinta tartanka ee aafooyinka cudurka HIV/AIDSka, Tahriibka iyo Maandooriyaha”.

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Dhallinyarada da’yarta ahi maanta waxay u baahan tahay wacyi-gelin baddan taasna waxay tahay inay waalidiintu nagala hawl-galaan, waxaa jira dhallinyaro baddan oo kooxo kooxo isku laaya oo habeen oo dhan faashash isku eryanaya, taasna waxaa lagaga gudbi karaa dhallinyaradiinan oo garata, oo fahamta waxa dhibta keenaya iyo waxa wanaaga keenaya. Tartankani waa mid loo baahnaa oo aan runtii ku bogaadinayo cid kasta oo gacan ka gaysatay oo uu ugu horeeyay Iid Jibriil oo ah shakhsi ku suntan ciyaaraha dalkeena” ayuu hadalkiisi ku soo gunnaanaday Agaasime Dhabeeye.

Tartan oo laba group ah ayaa waxaa kulankii furitaanka ayaa waxaa wada ciyaaray labada kooxood ee ku kala ciyaarayay Xareed iyo Horyaal, waxaana ay guushu ku raacday 7-1 kooxda Xareed.

ciyaaraha 3 ciyaaraha 2

bandhige@gmail.com