Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu wuxu kulan lagaga doodayey dhibaatooyinka dhallinyarada ku soo gababeeyey hudheelka Imperial

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Caiyaaruhu Maxamed Xuseen Axmed “Dhabeeye” ayaa waxa uu Hudheelka Imperial ee Magaalada Hargeysa kulan ugu soo gabagabeeyey 50 dhallinyaro ah oo ka doodayey dhibaatooyinka dhallinyarada.

Kulankan ayaa waxa uu socday muddo laba maalmood taasii oo ay ka qayb-galayaashu isku waydaarsadeen doodo iyo aaraa kala duwan kuwaasi oo ku saabasan dhibaatooyinka dhallinyarada soo wajaha.

Ugu horayn waxa ka hadlay Agaasimaha waaxad dhallinyaradda ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Cabdi oo kula dardaarmay ka soo qayb galayaasha, sharaxaadna ka bixiyay waxyaabaha laga damacsan yahay in ay dhallinyaradu ka kordhisteen kulan la wadaagaan dhallinyarta kale.

Ugu dambeyntii waxa tababarkan soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed “Dhabeeye” waxa uu sheegay ujeedada looga gol leeyahay kulan loo qabtay uu yahay mid dhallintu ay ka doodayaan dhibaatooyinka haysta iyo xalkood, kaasi oo wax weyn ka tari doona, mashaariicda lagu hor marinayo dhallinyarada, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Ujeeda kulankani wuxuu daaran yahay sidii loo ururin lahaa dhibaatooyinka dhallinyarada soo wajaha, isla markaana ay u soo jeedin lahaayeen xalka dhibaatooyinkaasi fara badan ee soo wajaha dhallinyarda. “

 

bandhige@gmail.com