Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska waxa uu xafiiskiisii ku qaabiley wefti ganacsato reer Taiwan oo raba in ay dalka ka bilaabaan Ganacsi iyo maal-gelin

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Cabdirashid Ibrahim Sh. Cabdiraxmaan oo ay wehelinayaan koox ka mid ah Agaasimayaasha Waaxaha ee wasaaradda ayaa qaabilay wefti ganacsato reer Taiwan oo raba in ay dalka ka bilaabaan Ganacsi iyo maal-gelin.

Agaasimaha Guud waxa uu la wadaagay fursadaha ganacsi ee Somaliland ka jira ee dhinaca macdanta, kalluumaysiga, Dhoofinta xoolaha iyo gaadiidka. Waxa siddoo kale lala wadaagay shuruucda dhinaca ganacsiga la xidhiidha ee dalku leeyahay.

bandhige@gmail.com