Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda waxa uu tababar u furay arday barandoonta horumarinta tiknoolojiyadda

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane Yuusuf Warsame Xasan ayaa furay qayb ka mid ah barnaamijka kobcinta adeegsiga tiknoolojiyadda oo ay hirgalisay wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyadda oo kaashanaysa xafiiska maalgashiga ee TawainICDF.

Barnaamijkan ayaa lagu tababari doono 120 arday oo dhamaantood lagu tababbari doono aqoon la xidhiidha horumarinta tiknoolojiyadda, ardaydan ayaa waxaa qayb ka ahaa qaar kamida shaqaalaha hay’adaha dawlada, ardayda jaamacadaha iyo barnaamijka women in Tech oo u gaara haweenka kaasi oo ay hirgalisay wasaaradu waxaana ka qaybqaadan doona 50 gabdhood oo ay kamid yihiin hablaha suxufiyiinta Somaliland.

Sidoo kale Munaasibada waxaa lagu abaalmarinaayey Dhaliinyaro in mudo ah xarunta lagu tababaraayey ismarkaan la yimiday fikrado hal-abuur kuwaasi oo ay wasaaradu ku abaalmarisay xafiisyo qalabysan oo ay ku bilaabi karaan hal-abuurkooda.

Dhanka kale waxaa barnaamijka abaalmarinta qayb ka ahaa dhaliinyaro iyaguna ku tartamay xawaaraha habqoraalka komputerka.

bandhige@gmail.com