Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Jsl oo ku baaqay in aan lala qiiroon Soomaaliya

Marki la saxeexay heshiiski maalgashiga ee DPW ee Dekedda Berbera, reer koonfureedku siyaasigoodii, ganacsagahoodii, wadaadkoodi, aqoonyahankoodi, saxaafadoodi iyo caamadoodiiba way ka hor yimaadeen waliba si caadifad leh. qaarkood ayaa ku afgobaadasanayey horumarka ma diidanin ee dowlada itoobiya maxaa 19% share ka loo siiyey. Balse marki farmaajo afarta dakadood usaxeexay cidi may hadlin!

Imika waxaa lasoo eryey safiirki Xamar u fadhiyey Nairobi muran xuduudeed oo u ka dhaxeeya darteed. waxaa layaab leh in dadka qaar la caadifadoonayaan oo leeyihiin walaalaheen iyo dhul soomaaliyeed. Marka baarlamaanka xamar halka maalin sharciga maalgashiga Berbera lagaga soo hor jeedo ku ansixinayey, marka maalinkasta lacag dowlada xamar ku bixinayso burburinta Somaliland, waalaltinimadu xagay ku maqan tahay! mise walaltinimadu waa hal dhinac?

Caqligu ha ina shaqeeyo, shanta Soomaaliyeed way inoo siman yihiin.