Waddani mooyaane, Wallo-weyn iskumaynaan ogayn (WQ: Axmed Nuur Guruuje)

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waxa la yidhi berigii baabuurtu yarayd ayaa oday Ciidagale ihi baabuur iibsaday ,dabeeto dareewal buu u dhiibtay u kaxeeya baabuurka .

Maalintii danbe ayaa dareewalkii oo hawd baabuurkii geeyay uu qof jiidhay , dabeeto odaygii baa loo soo sheegay oo laggu yidhi , habeloow baabuurkaagi nin buu jiidhay , markaasuu la yaabayoo oo uu yidhi , oo baabuurkaygu sidduu qofka u jiidhay ? markaasaa loogu jawaabay , isagoo dib u socda ayaa baabuurku ninka jiidhay .

Odaygii oo yaabkii horre yaab ugu darsamay ayaa ugu jawaabay , adeer dib in uu u socdaba iskumaynaan ogayn , markaa anigu shaqo kuma lihi .

Imika asxaabta aanu isku Xisbiga nahay , ee mar kasta oo aan Somaliland ka hadlaba muranka caantaynka ila soo doonata , kuwa mar kasta oo aan Mogdisho soo hadal qaadaba soo booda ,waxaan leeyahay , adeerayaal Xisbigga Waddani ayaynu isku ogayn laakiin Wala-wayn iskumaynaan ogayn , haddii adigu aad si gooniya u tashatayna adiga lee waaye .