Agaasimaha Guude ee Wasaaradda Arrimaha Gudduhu waxa uu furay kalfadhigii 8aad ee Guddida Heer Farsamo ee Maaamul Daa-dejinta

 

Maanta oo taariikhdu tahay 21 bisha koowaad 2017-ka waxa ka furmay kalfadhidii 8aad ee guddida heer farsamo ee maaamul daadejinta, gudidan oo ka kooban agaasimyaal guud iyo maayaro.

Kalfadhigan ayaa wuxu qabsoomaa 45-kii maalmoodba mar taasoo lagaga hadlo hirgalinta maamuldaadejinta farsamo ahaan iyo wixii caqabado ah ee taagan ee u baahan in la xaliyo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha  Cilmi Cabdiraxmaan Caashuur oo guddoominayey shirka isla markaana ah Guddoomiyaha Guddidaan ayaa si rasmi ah u furay shirkan oo ujeedadiisu ahayd is xogwaraysi iyo dib u eegid wixii qabsoomay iyo caqabadaha taagan.

Eng. Xusen Maxamud Jiciir ayaa halkaas warbixin kooban ka jeediyay  oo ka hadlaysa Safarkii Madaxwayne-ku-xigeenku kusoo kormeeray degmooyinka mashruuca JPLG iyo maamul daadejintu ka socoto.

Waxa sidoo kale halkaas laga jeediyay warbixino kooban oo ku saabsan hawlaha u qabsoomay muddadii u danbaysay ee maamul daa-dejinta sida waxbarashad iyo caafimaadka waxaaana guud ahaan la sheegay in ay hawluhu si fiican u socdaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha bulshada ayaa isna halkaa uga hambalyeeyay hawlaha muhiimka ee ay hayaan maayarada degmooyinka iyagoo la wareegay masuuliyaadkii loo doortay, wuxuuna sidoo kale ka dhawaajiyay in dhibaato ka jirto carruur badan oo darbijiif ah taas oo uu maayarada degmooyinka ka codsaday in ay arrimahaas wax kala qabtaan oo laga yeesho siyaasada qaran.

Ugu danbaytii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha ayaa si rasmi ah u soo xidhay kulankaas hawleed isagoo u mahadnaqay sida fiican ee ay xubnuhu uga soo qayb qaleen iyo sida fiican ee loo kala qaatay warbixinada.

bandhige@gmail.com