Naftood hureyaal isku qarxiyey Sucuudiga

 

Laba naftood hure ayaa Sabtidii is-qarixiyey kadib markii ay saacado xabbad isku weydaarsanayeen booliska magaalo-xeebeedda Jidda ee Sucuudi Carabiya.

Labada nin ayaa sida la sheegay xidhiidh la lahaa kooxda ISIS, waxaana laga war helay ka hor intii aanay isku qarxin halkii uu bar-tilmaameedkoodu ahaa.

Kadib waxa ku baxay booliska Jidda oo ku hareereeyey gurigii ay nimankani ku sugnaayeen.

Markii waxoogaa tacshiirad ah la is weydaarsaday ayaa raggii lagu hareeraysnaa ay mar kali ah dayaameen iyagoo uu gebi ahaan burburya gurigii ay dhufayska ka dhigteen.

Lama sheegin khasaare nafeed oo ka badan labadoodii is qarxiyey.

Laga soo bilaabo 2014-kii Sucuudigu wuxu dagaal kula jiray kooxda ISIS oo ka hawl-gasha Ciraaq iyo Suuriya, iyadoo xukuumadda Sucuudigu sheegtay in ay xidhay boqolaal ka tirsan kooxdan.

Qaraxyo iyo weeraro tacshiirad ah ayay kooxda ISIS ku qaadday SUcuudiga, iyadoo badan kooda lala beegsaday ciidamada ammaanka iyo masaajiddada Shiicadu ku cibaadaysato.

Sannadkii hore waxa ciidamada amniga ee Sucuudigu safaaradda Maraykanka agteeda ku khaarajiyeen qof naftii hure ah oo damacsanaa in uu safaaradda isku qarxiyo.

Hoggaamiyaha ISIS Abu Bakr AL-Baqdadi wuxu ugu booqay kooxda ISIS in uu qarxiyo Sucuudiga oo ka mid ah huwan la dagaalanta kooxda oo uu Maraykanku hoggaamiyo.

 

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah ee Wararka

Bandhige@gmail.com