Agaasimaha Fulinta Dalladda SONYO Siciid Maxamed Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyey dalladda SONYO iyo waxa ay ka qabato baahida dhallinyarada.
Agaasime Siciid oo waraysi siiyey Barnaamijka Dhallinyarada ee Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa sheegay in ay SONYO wax badan ka qabato shaqo-abuurka dhallinyarada iyo sidii ay dhallinyaradu uga qayb-qaadan lahaayeen arrimaha horumarinta oo ay ka mid tahay ka-qayb-galka siyaasaddu hase ahaatee baahida ay dhallinyaradu qabaan ay aad uga badan tahay waxa ay SONYO qaban karto.
Agaasimihu wuxu sheegay in loo baahan yahay in dhinacyo kala duwani ay iskaashadaan si loo dhimo baahiyaha ay dhallinyaradu qabaan ee dhinacyada kala duwan leh. Muuqaalka dhallinyarada oo dhammaystiran hoos ka daawo: