Iminka ayaan heley warka sheegaya in Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare Ilaahii lahaa qaatey. Ilaahow u naxariiso.
Bishii December ee ina dhaaftey ayaan ka baxay gurigeyga duhur anigoo ku sii jeeda guri ku yaala maddaarka agtiisa aniga oo doonayey in aan la fadhiisto oon la soo sheekeysto nin an saaxiib nahay oo Ibrahim Haashim la yidhaa iyo marxuumka.
Markaan gurigii tegey een aniga iyo Ibraahim cabbaar fadhiney ayaan ku idhi Maxamed Cabdirahmaan mee. Wuxuu igu yidhi meel ayuu gaadhay maanta ee kolley hadhow ayuu inoo iman. Tilifoonkii ayaan u direy oon ku idhi xageed maanta ka dhacdey. Wuxu igu yidhi, Abti meel sheedaha u dhow ayaan maanta asxaab la joogaa. Waxaan ku idhi, waa xagee meeshaasi. wuxuu iigu jawaabay Jaamacadda ADMAS agteeda.
Maxamed Cabdiraxmaan wuxu ahaa nin aan xuduud laheyn oo dadka da’ kasta iyo reer kasta raaca oo la saaxiib ah.
Maaha oo keli ah in uu ahaa nin aan xuduud laheyn, balse waxa uu ahaa nin qalbigiisuna bilaa-xuduud yahay.
Saaxiibtinamada ka sakow, wuxuu ahaa nin ehel jecel. Inta an aqaaney weligey magaceyga iigumuu yeedhin, wuxuu iigu odhan jirey Abti iyada oo aad arkeyso in uu kalgacalku niyad ka yahay.
Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare waxa uu ahaa nin da’diisa ka weyn. xiliyaddii dagaalka sokeeye ka socdey Hargeysa 1994-kii, waxa uu ka mid ahaa dad xabbadda dhex socdey oo nabadda ka shaqeynayey.
Dadkaasna waxaan ka xasuustaa Isaga iyo Maxamed Baaruud iyo Laangadhe Libaax (AHUN) oo kolna Hargeysa soo gelayey, kolna hawdka tegayey si ay nabad u dhaliyaan.
Xiligaa aan ka hadlayo marxuumku nin dhallinyaro ah ayuu ahaa oo qeyrkii gidaarada ayey taagnaayeen oo waxba looma diraneyn iska daa in ay nabad dhaliyaanee.
Maxamed Cabdiraxmaan waxa uu ahaa nin curin badan oo markasta waxa uu soo bandhigi jirey barnaamijyo ama dalka hore loogu marinayo ama ganacsi lagu abuurayo. Wuxu ahaa nin haddii aad in yar wada fadhidaan ay wax badani kaaga kordhayaan.
Maxamed haddii uu ahaan lahaa sida dadka qaarkii, maanta waxa uu heysan lahaa dhaqaale aad u badan. Balse marka hore ayaanu u dhalan lexejeclo oo waxa gacantiisa soo gala ummadda oo dhan ayaan la laheyd. Agtiisa laguma diiqadood jirin hadduu wax hayana lagama qadi jirin. Wuxu ahaa nin cid kasta iyo koox kastaa tirsato oo ay u heysato in uu iyaga ka mid yahay. Wuxuu ahaa ibnu aadam dun wanaagsan.
Marxuumku ehlu jano ayuu ahaa. Dadka Ilaahey jecel yahay ayuu ahaa, waayo dadkaa isaga jeclaa.
ILAAHEY HA U NAXARIISTO MAXAMED CABDIRAXMAAN GADHYARE. INAGANA HA INOOGA DABA NAXARIISTO AAMIIN.
Maxamed Cali Bile Aqoonta U Adeegta Nolosha qorane.bile@gmail.com