Weftigaa oo ka koobnaa ganacsato iyo maal-gashadayaal ka socday dal weynaha Shiinaha oo uu hogaaminayey Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Shiinaha Ambassador Cabdi Maxamuud Saleebaan iyo Guddoomiyahaย Jaaliyadda Somaliland ee Shiinaha ku nool.
Ujeedada ugu muhiimsan ee weftigaasi waxay ahayd si ay u indha-indheeyaan fursadaha xagga ganacsiga iyo maalgashiga ee ka jira dalka..
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ayaa warbixin faah-faahsan weftiga ka siiyey in ummadda reerย Somaliland ay yihiin bulsho caan ku ahย xagga ganacsiga isla markaana ay ย xidhiidhiidh ganacsi oo soo jireen ah la lahaayeen dalka Shiinaha.
Wasiirku waxa kale oo uu weftiga uga warramay goobta muhiim ah ee ay Somaliland ku taalo taasoo ah marrinka ugu muhiimsan ee uu maro ganacsiga caalamku. Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka warramay fursadaha ganacsi ee dalka ka jira iyoย khayraadka dabiiciga ah ee dalka ceegaaga una baahan in la maal-gashigashado.
Ugu danbayn Wasiirku wuxuu ka warramay heerarka ay Somaliland soo martay iyo caqabadaha ay ka soo gudubtay iyo sida ay Somaliland haatan diyaarka ugu tahay ugunaย baahan tahay xidhiidh ganacsi iyo mid maalgashiba.
Waxa iyaguna dhinacooda muujiyey inay si weyn u danaynayaan inayย helaan fursado iyoย xaalado ay shirkadaha ay wakiilka ka yihiin dalka ku sameeyaan Maalgashi dhinacyo badan leh xubnihii weftiga hogaaminaayey.
Kulankan maanta ayaa ku soo beegmaya wakhti ay dalka Somaliland ku sugan yihiin wefti balaadhan oo Arrimaha isu socodka ganacsiga, nabadgelyada iyo xidhiidhka labada dal uu ย ย ku ย dhex maray madaxda Wasaaradda Ganacsiga, iyo Maalgashiga caalamiga ah oo ay si wada jira shalay u dhagax dhigeen xubnaha weftiga,
Maamulka dekeda Berbera, iyo Wasiirka Wasaaradu taas oo laga hagi doono ganacsiga labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ay ka wada hadleen.