Agaasimaha Waaxda Dhalinyaradda Ee Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Mustafe Cali Nuur Ayaa Maanta Tababar Ufuray Shaqaalaha D.H.Boorama iyo Dhalinyaro ka kala socda ururada ka shaqeeya Arimaha Dhalinyarada Ee Degmada boorama

 

Tababarkan Loo Furay shaqaalaha Dawladda hoose iyo Dhalinyaro ka kala socda ururada ka shaqeeya Arimaha dhalinyarada Degmada boorama ayaa Waxaa Kasoo Qeyb-Galay Maayarka Degmada Boorama Maxamed Baradho, Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Degmada Boorama Mustafe Duuduu Iyo Masuuliyiin ka kala socday Laamaha Dawladda.Isagoona uu socondoono muddo laba cisho ah.Waxaana Ujeedada Tababarkani uu yahay Wacyi-Galinta badbaadinta dhalinyarada Arimaha mukhaadaraadka ,tahriibta,Social media iyo Arimaha qabyaalada.

Agaasimaha Waaxda Dhalinyaradda Mustafe Cali Nuur oo Tababarkaasi Furay ayaa ugu horayn umahadnaqay Dhamaan Dhalinyaradda Kasoo Qeyb-Gashay tababarka,Isagoona Ka Wacyigeliyey inay iska ilaaliyaan tahriibta , mukhaadaraadka Iyo Waxkasta oo xun oo ubaahan inay ka fogaadaan dhalinyarada Reer Somaliland.

Bandhige@gmail.com