Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga JSL oo Kulan la Qaatay Madaxwayne ku Xigeenka Midawga Madaxda Shirkadaha USA

Qore: Boqore Axmed Cabdi

USA (Dawan) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Cadirashid Ibrahim, oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa kulamo shaqo la qaatay madaxwayne ku xigeenka midawga madaxda shirkadaha waawayn ee cariga Maraykanka ee loo yaqaano Busness Roundtable Mr. Michael Steel.

Kulanka ayaa ahaa mid lagaga hadlay arrimaha dhaqaalaha, iskaashiga, dhinaca ganacsiga iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa shirkadaha waawayn ee dalka markanku sidii ay maalgashi iyo wax-soosaar uaga samayn lahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale intii kulankan mihiimka ahi uu socday waxaa lagu soo qaaday Fursadaha maal-gashi ee Somaliland ka jira iyo sidii suuq loogu heli lahaa wax soo saarka Somaliland, oo ay ka mid yihiin xabkaha iyo faleenka kaasi oo dhulka Somaliland aad looga soo saaro loona baahan yahay suuq muhiim ah oo loo iib geeyo.

Masuuliyiinta midawga madaxda shirkadaha waawayn ee Maraykan ayaa soo dhaweeyay kulanka iyo fursadaha qaaliga ah ee uu soo hordhigay Agaasimaha wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirashiid Ibraahim, waxaanay tilmaameen in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto kheyraadka Somaliland lagana hawlgalo sidii shirkadaha Maraykan loogu bandhigi lahaa inay suuq u sameeyaan mihiimadana ay siiyaan kheyraadka dihin ee Somaliland.

Agaasimaha wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa madaxwayne ku xigeenka midawga madaxda shirkadaha waawayn ee Maraykanka u soo jeediyay in laga wada shaqeeyo sidii xidhiidh qoto dheer loo abuuri lahaa, isla markaasina shirkadaha Maraykan ay maalgalin ugu samayn lahaayeen Somaliland, arrintaasina labada dhinaca way soo wada dhaweeyeen waana la isla qaatay.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi degan oo la isla qaatay in laga wada shaqeeyo arrimaha hoosta lagaga xariiqay intii uu kulanku socday.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com