Agab cusub oo Dawladda Hoose Hargeysi soo iibsatay oo Hargeysa soo gaadhay

Agab tiro badan oo ay Dawladda Hoose Hargeysi soo iibsatay ayaa soo gaadhay Hargeysa.

Agabkan ayaa ah mid lagu dayac tiri doono waddooyinka Hargeysa oo dayac weyni ka muuqdo.

Xaflad loo qabtay agabkan ayaa waxa ka soo qayb gashay Marwada koowaad Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde oo ka tirsan Gudida Bilicda Caasimadda, hadal kooban oo ay ka jeedisay  xafladan ayaaa wax aka mid ahaa hadaladeedii:

“Runtii arrinta halkan ka dhacday waa wax lagu farxo. Soomaalidu waxay tidhaa “Huggaaguna wuu kula baryo tagaaye” Hargeysa waa caasimadii Somaliland, Hargeysa quruxdeeda, bilicdeeda, nadaafadeeda iyo habka ay u samaysan tahay waa waxaynu ku faanayno oo sharafteena, gobonnimadeena iyo Ictiraafkeena soo dedejin karta.”

Marwada oo hadalkeeda sii wadata ayaa aad ugu mahadcelisay Maayarka, maayar xigeenka iyo hawlwadeennada Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ay ku ammaantay qalabkan dhismaha wadooyinka wax weyn ka tari doona, waxaanay tidhi:

“Waxaynu sugnaaba waa Hargeysa oo caasimadaha adduunka la tartanta, oo quruxdeeda iyo nadaafaddeeda aynu ku faanno. Guddidan aan ka mid ahay ee bilicda Caasimaddu marka aanu shirayno waxa ugu weyn ee qalbigayaga ku jiraa waa dadka ku nool caasimadda; xanaftu inteebay leeg tahay? sidee wax u gaadhayaan? Waayo qofka muddo meel fadhiyay eed tidhaa “Caasimada quruxdeedu sidan kuma jirtee ka kac isagoo jecel in caasimadu qurux badnaato iyo in dalka wax u kordhaanba, haddana wuxuu qiimaynayaa barakaca ku dhacaya,”

bandhige@gmail.com