Kiiniya: Booliiska oo hub ka helay Mombasa

Magaalo xeebeedka Mombasa ayaa waxay boolisku heleen keyd hub oo ka kooban qoryo, rasaas, telefoonada gacanta iyo waxyaabaha qarxa.

Keydkan hubka ee ay heleen boolisku ayaa loo hayn wadatay, balse waxay boolisku baahiyeen sawiradda afar qof oo looga shakisan yahay in ay hub keeneen halkan laga helay.

Afar qof ee laga shakisan yahay ayaa waxay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab ee ka jira guddaha Soomaaliya sidaasna waxa sheegay booliska Kiiniya.

Ururka Al-shabaab ayaa weeraro badan ka gaystay guddaha Kiiniya tan iyo intii ciidamada Kiiniya soo galeen gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Kiiniya oo ka tirsan ciidamada Nabad Ilaalinta MIdowga Afrika ayaa waxay joogaan magaaladda Kismaayo.

bandhige@gmail.com