Meydadka 36 qof muhaajiriin ah oo laga helay xeebahaTurkiga

Xeebaha Turkiga ayaa waxa laga helay 36 qof ay ku jiraan carruur. Muhaajiriintan ayaa waxa la qaraqmatay doon ay saarnaayeen inta u dhaxaysa Giriiga iyo Turkiga.

Ciiidanka ilaalada xeebaha ayaa waxay badbaadiyeen 12 qof.

Weli si rasmi ah uma cadda inta doonyood ee badda ku degtay xilligan ah oo xilli dabeyluhu ay aad u badan yihiin, hasa yeeshee wakaaladda wararka ee Dogan, ayaa ku warantay in ay dhibaatadu ka kala dhacdey laba meel.

Meydadka laba ruux ayay ciidamada ka soo saareen xeebta degmada Ayvalik, halka inta kale laga heley oo ay ku soo caariyeen Dikili, oo 50 KM dhinaca koonfureed ka xigta degmada Ayvalik.

Waxa la rumeysan yahay badanaa dadkan in ay yihiin kuwa u dhashay waddanka Siiriya, kuwaas oo ka soo baxsanaya colaadaha waddankooda ka jira.

bandhige@gmail.com