ISIS waxay khaarajisay suxufiyad caan ah oo ku dhex noolayd

Ruqiya Xasan oo ahayd suxufiyad caan ah waxay mucaaridka Suuriya ku biirtay wakhtigii ay bilaabmeen kacdoonnadii lagaga soo horjeeday Bashar Al- Assad sannadkii 2011-kii.

Iyadoo oo joogta magaaladii ay ka soo jeedday ee Raqa oo ka mid ah macaaridka Suuriya ayaa ISIS ku dul qabsadeen, waanay diidday in ay magaalada ka baxdo.

Ruqiya Xasan waxa ay bilawday in ay dadweynaha adduunka barteeda Twitter-ka ku wargeliso hadba wixii Raqa ka jira. Mid ka mid ah farriimihii ay halkaas ku qortay, oo laga yaabo in ay nafteeda galaafteen, waxay ahayd:

“Haddii aynaan Daacish doonayn, isla markaana aynaan doonayn in Daacish la duqeeyo, Isla markaana aynaan doonayn in ciidamada xorta ah ee Suuriya ay Daacish la dagaalamaan, haddaba waa yaabe maxaynu rabnaa?”

Ruqiya Xasan waxay wax ku qori jirtay magac sir ah oo la yidhaa Nissan Ibrahim. Bishii August ayaa ISIS ku baraarugeen dhaqdhaqaaqa Ruqiya, intaa wixii ka dambeeyeyna waxay ku samaynayeen daba-gal.

Ugu dambayntii waxa ay qabteen September 2015 waanay kaga takhaluseen iyaga oo ku eedeeyey in ay u basaasaysay mucaaridka Suuriya ee la dagaalama ISIS.

Hase ahaatee geerida Ruqiya oo 30 jir ahayd ayaa la ogaaday uun shalay ilaa darraad. Kooxda ISIS oo ka hadashayna waxa ay tibaaxeen in ay nooshahay oo aanay waxba ka jirin warka sheegaya in ay dhimatay.

Wakaaladaha Wararka oo la xidhiidhay dadweyne kala duwan oo deggan Raqa ayaa sheegay in gabadhaasi ay geeriyootay isla markaana ay ku baxday gacanta ISIS.

Bandhige@gmail.com