Amiirkii hore ee dalka Qadar, Sheekh Khalifa Bin Xamad Al-thani ayaa geeriyooday shalay oo Axad ahayd, isaga oo da’diisu gaaddhayso 84 sanno jir.
Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani oo ah Amiirka hadda talada haya isla markaana ah wiil uu awoow u yahay Sheekh Khalifa ayaa saddex maalmood oo baroordiiq ah kaga dhawaaqay dalkaasi.
Sheekh Khalifa ayaa xilka qabtay sannadkii 1972-kii kaddib markii dalkaasi uu xorriyaddiisa ka qaatay Ingiriiska waxa uuna dalkaasi xukumayay tan iyo sannadkii 1995-kii, xilligaasi oo wiilkiisa uu afgambiyay isaga oo fasax ugu maqan dalka Switzerland.
Sheekh Khalifa ayaa diyaaradaha dagaalka ee waddamada Maraykanka, Kanada iyo Faransiiska u ogolaaday in ay ka duulaan saldhigyada ciidamada cirka ee dalkiisa sannadkii 1991-kii, xilligaasi oo dagaal lagula jiray ciidamadii Sadaam Xuseen oo qabsaday dalka Kuwayt.