Dawga Shiikh waa waddo Xidhiidhisa Magaalooyinka Shiikh iyo Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dawgani wuxuu ku yaallaa dhulka buuralayda ah ee u dhexeysa labadaa Magaalo oo ka wada tirsan gobol xeebeedka facaweyn ee Saaxil oo ay ku taallo Marsada sooyaalka dheer ee Berbera.
Dawgani waxa uu ka mid yahay waddooyinka iyo toobiyayaasha Soomaalida kuwooda ugu quruxda badan isla jeerkaana ugu layaabka badan, marka la eego farsamada dhisme iyo farshaxanka buurta ee Rabbaaniga ah.
Tiroba soddon jeer oo aan dawgan maray waxaan ahaa mid indhaha ku doojiya billicda iyo quruxda buurta uu ku yaal, taasoo ay barbar socoto dhugashada iyo dheehashada wareegyada iyo meerisyada laalaabka badan ee dawgani leeyahay, ciddii martayna ay garanayso.
Maanta oo noqonaysa markii koob iyo soddonaad ee aan dawgan maro, waxa Alle igu ilhaamiyey shaqo iyo hawl ka duwan hawshii aan ku qaadan jiray Inta aan dawgan xawaaraha baabuurta ku dusayo, Maanta markii aan dawga soo qabsanayey ayaan isu xilsaaray in aan qabto hawl laga yaabo in walaalo badani hortay qabteen.
Maanta waxaan isu xilqaamay in aan wareegyada iyo meerisyada dawga tirakoobo, isla jeerkaana aan soo gudbiyo oo aan bulshada inta ay bartani na kulmiso soo gaadhsiiyo.
Hawshaa tirinta iyo tirakoobka waxaan kasoo bilaabay barbilowga/ bardhammaadka dawga ee dhanka magaalada shiikh Anigoo kusoo dhammeeyey barbilowga/bardhammaadka dawga ee dhanka magaalada Berbera ama aan idhaahdee afaafka koonfureed ee degmada huddusa.
Wadarta tirada wareegyada dawgani leeyahay aan idiin soo gudbin doono waxaan ku saleeley xagal xisaabeedyada kala ah Xagal fiiqan, Xagal toosan, Xagal fidsan iyo Xagal wareegsan( Acute, Righ, Obtuse and Circular Angels), dabcan afartaa ayuunbaana meesha laga heli karaa.
Tirakoobkan oo ahaa hal tirakoob la sameeyey halmar waxaa iigusoo baxday In wareegyada iyo laablaabka waddadani yahay lix iyo lixdan wareeg ama laab (66-wareeg), Waxaa kale oo iigu soo baxday in ay wareegyadaasi u badnaayeen wareegyada gaagaaban marka laga reebo qaar wareegyo dhaadheeraa una badnaa barbilow iyo dhammaadka.
Waxaa xusid mudan in ay ku jireen lix wareeg oo baabuurku ku siganayo ama aan idhaahdee u dhowaanayo in uu wareego meeris dhammaystiran ama in uu sameeyo waxa loo yaqaan Giraanta (Circle).
Waxa kale oo xusid mudan in dawgan samays ahaan iyo muuqaal ahaanba dawga ugu dhow uguna eeg noqonayo dawga weyn ee Tabca ee ka dega buuralayda aadka u dheer ee xidhiidhisa Magaalada Ceerigaabo iyo Magaalo xeebeeda sooyaalka weyn ee Maydh, kuwaas oo ka wada tirsan gobolka ugu baaxada weyn Somaliland ee Sanaag.
Dawga Tabca inkasta oo aanu laami ahayn haddana gebi ahaanba xaga samayska waxaan ku tilmaami karaa in uu yahay sida dawgan Shiikh ee aan soo tilmaamay, marka laga reebo in uu masaafo ahaan dheer yahay dawga tabca iyo buuralayda uu ku yaal ay tahay mid ka muuqaal iyo bilic ka qurxoon tan Shiikh.
Waxa Intaa u raacda dawgaa Tabca oo goobo fara badani yihiin kuwo ka khatar badan dawga Shiikh iyo in aad gelayso isla markaana ka dhexbaxayso god kaa qariyana Cirka iyo dhulka labadaba.
Mararka aad isaragto sida aad uga log la’dahay waddankaaga ayaad garwaaqsanaysaaa garnimada maansadii Baaq ee Abwaanka weyn Alle ha illaaliyee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), isla markaana aqoonsanaysaa garasho dheerida ninkaa, maansadiina waatane iga hooya, taasi oo xambaarsan Dareenka waddaniyaddana iyo walaalnimo.
Adigoon cirka u bixin
Ama boodin leexada
Ama badaha waaweyn
Nafta aan ku biimayn
Baariis adaan tegin
Ama Boon ka sheekayn
Barashada dalkaagaa
Horta laga bogtaayoo
Beryo laysku hawlaa
Dhulku baaxad sooriyo
Banan miidhan weeyaan
Ama waa bus iyo oon
Ninka buug ku haystow
Beentaada weeyaan
Bixin-Duule Laaleys
Biyo Guure Kalabaydh
Beeraha Wajaalee
Lagu reebay baahida
Baardheere iyo Jilib
Waa boqol kun oo mayl
Dhulka lagu badhaadhee
Beeyadu ku taallee
Badar lagu abuuree
Lagu ridey bariiskee
Balka lagu tallaalee
Muuskiyo babaygii
Barkadeen xareeddoo
Waxa taa ka sii badan
Dhulka bari samaadkee
Beeshaannu daaqdee
Barta aynu dhaqannaa
Barqo dhereg ka joogtee
Iyadoo barwaaqo ah
Balliyada xareeddii
Ku bariisanaysoo
Bidix midig dhan loo dayo
Barigiyo galbeedkaba
Waaberi cadceedii
Soo saartey baallaha
Bilcilkiyo maraagii
Shinbiruhu bulxamayaan
Indhihii basaasow
Boorame ma aragteen?
Ma ogtahay barbaareey
Heesaha Barawn tumo
Adigaan bogga u lulin
Beerrey Kabeebey
Bismillaahi Saylici
Hana-haybsantii bari
Batar iyo Wareegtaa
Kuu baadi soocee.
Ma ogtahay barbaarreey
Qalabkana bud dhumucliyo
Waran iyo billaawaa
Kuu baadi soocee
Ma ogtahay barbaarreey
Barshin iyo darfooley
Bayluuli xaradhlaa
Kuu baadi soocee
Ma ogtahay barbaarreey
Waxa loo buseelaa
Ama qurux ku caan baxay
Ama laysku baantaa
Ama lagu bogsoodaa
Kal bugtaa ku faydaa
Kugu deeqa baashaal
Guri bila ku magac dheer
Hablaheenna bilicdiyo
Biligiyo il-waadka leh
Bilcantii shisheeya ah
Ninka beegsanaayow
Waxaan kaaga baqayaa
Inaad baadi noqotee
Cidla baylah keligaa
Yaanu bahalku kaa helin
Isu buri geyaankaa
Barta gogoshu kuu taal
Bahda lagama maarmaan
Bud-dhiggaaga koobaad
Baaqaygu waa kaas.
FG:- Waxa xusid Mudan Maansada inaan ka saaray Shan meeris oo Abwaanku kaga hadlayey goobo ka baxsan Jamhuuriyadda Somaliland,
Waxaa kale oo xusid in markaan qoraalkan qorayo aan saaran ahay baabuurkii aan dawgaa kusoo maray, baabuur iyo boodboodistiisa qoraalka lagu dul sameeyey lagama waayayo Goldaloolooyin badane wixii gef qoraaleed ah raali baa layga ahaanayaa.