Cali Khaliif waxa uu sheegay in uu Hargeysa u tagi doona wada-hadalada maamulkiisu la leeyahay Somaliland, dhallilna waxa uu u soo jeediyey siyaasiyiinta bariga ee Hargeysa jooga

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa faahfaahin ka bixiyey hasmai-u-socodka wada-hadallada aan weli bilaabmin ee la filayo inay u furmaan xukuumadda Somaliland iyo maamulkiisa, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay wada-hadalladaasi dhawaan bilaabmi doonaan.

Cali Khaliif oo ku sugan magaalada Buuhoodle arrintan ka hadlay, ayaa si cad u sheegay in ay wada-hadalladaasi furmi doonaan bishan aynu ku jirno ee Oktoobar guddaheeda, waxaana uu meesha ka saaray in wax caqabado ahi soo waajaheen, marka laga reebo arrimo farsamo oo uu tilmaamay in ay xagga Somaliland ka yimaadeen, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Wada-hadalkii Somaliland waxbaa ka dhin-dhiman, wuuna daahay, laakiin waa la qabanayaa, bishani inta aanay dhammaaninna waxan ku rajo weynahay inay wada-hadallada ugu horreeyaa ay qabsoomaan, wax xaggeena dib uga dhacayna kama iman, laakiin xagga qolada aynu wada-hadlayno arrimo farsamo ayaa yimi.”

Khaliif oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu sheegay xubnaha maamulkiisa wada-hadalladaas uga qaybgeli doonta, waxaana uu dhaliil u jeediyey xubno deegaanada bariga kasoo jeeda oo hore xukuumadda Somaliland Hargeysa ugu qaabili jirtey, waxaanu yidhi:

“Wada-hadallada Dadka lagu darayaana dad xukuumadda iyo Baarlamaanka kamid ah ama nin doorka iyo dadka dibadda jooga ayaa inooga qayb gelaya, wuxuna ma aha dadkii intay sii hagoogtaan Burco iyo Hargeysa isa sii taagi jirey ee odhan jirey isin hebel baan ahay iyo siyaasi baan ahay iyo reer hebel baanu nahay ee Baabuur la siin jirey ee xoolo cadquudheed ah loo tuuri jirey.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay caasimadda Hargeysa iman doonaan, iyada oo ujeeddadoodu tahay in ay wada-hadalladaas ka midho dhalliyaan, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waar xataa haddii Hargeysa la tago meel lagu daahayo oo la joogayo ma aha, haddii ay Hargeysa dani na baddo oo aanu tagnana waxanu u tegaynaa hawshaas socota ee wada-hadallada ah oo wakhti qaadan doonta.”

Xukuumadda Somaliland ayaa hore shaaca uga qaaday inay wada-hadallo la furayso madaxda maamulka Khaatumo, taas oo hordhaceeda loo ballansanaa 25-ka bishan oo berri ku beegan, balse xukuumaddu weli bulshada uma sheegin meesha ay wada-hadalladaas iyo ballantaasi ku dambeeyeen.

Xigasho Hubaal Media.

bandhige@gmail.com