Amnesty International waxay ku baaqday in xayiraad la saaro Israa’iil

 

Hay’adda Xuquuqda Aadamaha u dooda ee Amnesty International ayaa beesha caalamka ugu baaqday in ay xannibaad saarto dhammaan alaabta sida sharci darrada ah looga soo saaro degaanka ay Israa’iil ka dhistay dhulka Falastiniyiinta iyo in la soo gebagebeeyo faa’iidada laga helayo malaayiinka doolar ee horseedayo colaadda iyo tacaddiyada xuquuqda aadamaha ee ay Israa’iil u geysanayso Falastiniyiinta.

Alaabo uu qiimahoodu gaadhaya boqolaal milyan oo doolar ayaa laga soo saaraa deegannada Israa’iil ay ka samaysay dhulka Falastiniyiinta, taasi oo sannad walba dibedda loo dhoofiyo, iyadoo dalal badanna ay deegamayntaasi ka soo horjeedaan.

Sida ay sheegtay hay’adda Amnesty International, siyaasadda Israa’iil ee ay shacabkeeda ku dejinayso dhulka ay ka haysto Falastiin ayaa horseeday in tiro badan oo dad ah loo geysto tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.

Kumanaan kun oo guryo iyo hanti ah oo ay leeyihiin dad Falastiniyiin ah ayay burburisay Israa’iil, halka boqolal kun oo qofna si xoog ah looga barakiciyay deegaanadooda, sidoo kalena qoysas badan ayaa guryahooda laga eryay si fursad loo siyo deegamayntaasi.

Amnesty waxay intaasi ku dartay in ku dhawaad boqol kun oo hektar oo dhul ah oo ay leeyihiin dad Falatsiniyiin ah ayaa si gaar ah loo calaamadeeyay in deegamaynta loo isticmaalo.

Hay’addani ayaa sheegtay in Israa’iil ay sidoo kale si sharci darro ah ula wareegtay khayraadka dabiciiga ah ee Falastiin, gaar ahaan biyaha, dhul beeristu ku haboon iyo goobaha macdanta laga qodo, waxayna dalagyada halkaasi kasoo baxa u weecisay in ay ka faa’iidaystaan warshadaha deegannadaasi ku yaala kadibna waxay u dhoofisaa dalalka dibedda.

Amnesty ayaa sidoo kale sheegtay in deegaannada Israa’iil ay ka dhistay daanta galbeed laga hirgaliyay kaabayaal dhaqaale oo ay ka mid yihiin waddooyin gaar ah oo kala qeybinaya magalooyinka iyo xaafadaha Falastiin, arrintaa oo xannibtay isu socodka dadka Falastiniiyiinta.

Israa’iil ayaa sidoo kale tobankii sanno ee la soo dhafay gacanta ku haysay hawada iyo isu socodka gaadiidka bariga Gaza.

Tobanaankii sanno ee lasoo dhaafay, qaraaro kala duwan oo ay soo saartay Qaramada midoobay ayaa xaqiijiyay in deegamaynta Israa’iil ay kasoo horjeedo qawaaniinta caalamiga, in kastoo Israa’iil ay su’aal galisay go’aannadaasi.

bandhige@gmail.com