Munaasibad lagu taageerayo murashax-nimada hoggaanka Golaha Wakiilada ee Xildhibaan Saleebaan Cali Koorre ayaa lagu qabtay London

 

Munaasibad mug iyo miisaan leh oo lagu taageerayo musharaxnimada guddoomiyaha golaha wakiillada ee Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska. Mudane Saleebaan Cali Koore ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u tartamayo jagada guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, waxaana dadweynihiii kulankaasi isugu yimid ee taageerayay xildhibaan Saleebaan ay sheegeen inuu yahay nin u qalma in uu qabto jagada gudoomiyenimo ee golaha Wakiillada.

Ugu horeyn mid ka mida dadkii munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi:

“Anagu waxaanu garanay jaaliyad ahaan inay wanaagsan tahay bal inay reer Somaliland wada afuraan, anagu hadda Somaliland-ta cusub ayaanu nahaye Saleebaan waa nin aanu is leenahay is-bedel weyn ayuu keeni karaa sida uu ifafaalihiisu u muuqdo, Somaliland-na mideynteeda iyo aqoonsigeeda iyo aqoonsigeeda labadaba, shirkii Awr-boogeyseed iyo kii Adhicadeeye, oo macnaheedu ahaa sidii Somaliland loo mideyn lahaa, Saleebaan qayb libaax ayuu ka qaatay, xildhibaanka Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo u taagan guddooomiyaha baarlamaanka Somaliland waanu taageeraynaa hadii aanu nahay jaaliyada UK ee Somaliland waananu soo dhaweynaynaa.”

Waxa kale oo intaa ku daray:

“Kasoo kabashada dadka baahan ee abaartu saameysay ee wax loo qabtay waanu soo dhaweynaynaa xildhibaanka Saleebaan Yuusuf, anigu waan aqaanaa, Saleebaan waa nin waxtara, waa nin mageyda ah waa nin hawl badan Somaliland u qabtay hadana ugu jira kartina leh, Saleebaan tartan badan ayuu soo maray oo wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland ayuu soo maray, oo maareeyaha madbacada qaranka ayuu soo maray, ergayga gaarka ah ee bari ayuu soo maray, madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaalna waa ay soo wada shaqeeyeen, waana nin mudan waxkasta oo la taro.”

Ugu danbey mid ka mida odayaashi ka hadlay munaasibadaasi ayaa soo jeediyay in baarlamaanka Somaliland uu isbedel keeno oo la doorto xildhibaan Saleeb Cali Koore waxaanu yidhi:

“Waar Baarlamaanka Somaliland-now in badan ayaa golaha baarlamaanku ay madaxdoodu joogtay oo ay taagnaayeen bal nin cusub ku eega oo isbedel keena oo Saleebaan doorta.”

Xildhibaan Saleebaan Cali Yuusuf Cali Koore, waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu noqday Wasiirka wasaarada Xannaanada Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale waxa uu noqday Maareeyaha Madbacada qaranka Somaliland oo uu muddo dheer hagayay, sidoo kale waxa uu kaalin mug leh ka soo qaatay nabadayntii beelaha Somaliland iyo dedaaladii taabo galinta iyo hirgelinta qarannimada Somaliland.

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com