Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, kana mid ah Saraakiisha Sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa markii u horaysay si qoto dheer uga hadlay sababihii ay isaga iyo rag kale oo Wasiiro ka ahaa Xukuumaddii hore ee Siilaanyo ay uga yaaceen ee ay iskaga casileen Wasiirnimadii iyo Xubinimadii Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa uu sheegay in fikirkii ay qabeen wakhtigaasi oo ay u arkayeen in Muuse Biixi lagaga haboonaa Musharaxnimadda Madaxweynenimo Siilaanyo dabadii ay maanta dadku kala ogaadeen oo ay maanta taagan tahay in lakala saaro inay fikirkaasi ku saxsaanayeen iyo in kale, waxa kale oo uu ku eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi inuu ku tuntay sharcigii, dawladdiisuna aanay sharci ku dhisnayn.
Sidan ayuu ka sheegay Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid Waraysi khaas ah oo uu siiyay Wariye Cabdirisaaq Good, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Aniga Goorta aan ka tagay Xisbiga Kulmiye iyo Sababaha aan uga tagay umaddu way ogayd oo Musharaxnimadii Muuse Biixi ayay ahayd iyo qaabkii loo marayay,Waxaan ka mid ahaa Siyaasiyiintii Wasiiraddana Xukuumadda ka ahaa ee diidanaa oo aan aqoonsannayn Musharaxnimadda Madaxweyne ee Muuse Biixi, ee aan u arkaynin markaa Musharaxii ugu haboonaa ee Xisbig Kulmiye kasoo bixi lahaa markaa, waanu ku kala qaybsanay arintaasi, Saaxaddii lagu tartami lahaana waxay ahayd mid loo diiday Saaxad Dimuqraadi ah oo lagu tartamo inay noqoto, oo saaxad Kelidii Awooddii Dawladda in loogu meel mariyo ay noqotay, oo ciddii Codka ukala tirin lahayd iyo ciddii soo hubin lahayd ee shirka Qaban qaabin lahayd dadka kasoo qayb galayay”.
Waxa kale oo uu yidhi“Anagu taanu Xisbigaba kaga tagnay waxay ahayd “Muuse Maaha Musharaxii ugu Haboonaa” ee waa lagaga haboon yahay, Taariikhda ayaan cadayn doonta, ama Wakhtiga ayaaba cadayn doona, Maanta wuu Yahay Isagii, Umaddu iyada ayaa arki doonta oo inaanu ku saxsanayn in lagaga hagaagsanaa oo Musharax ka haboon Xisbiga oo dad badan oo Hunguri leh ayaa jiree laga baadho oo si Dimuqraadiyad ah loogu tartamo iyo in kelidii loo xidhada Murankii ka yimid ee dabadeedna keenayba inaanu ku kala tagno oo Xisbiga rag badani kaga baxo Inaanu sax ku ahayn oo taayadu hagaagsanayd umadda ayaaba taasi ka jawaabi doonta, anagu markaasi ayaan sii bixiyay Odoraskayga iyo sida aan u arkayo iyo in lagaga haboon yahay, Maantase Markhaatigu waxa uu uyaalaa Dadka”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Xukuumadda Muuse Biixi Sharci kuma dhisna ayaan odhan karaa, xeer ayaa Dhismaha Xukuumadda tilmaamay, looma raacina Caqligiisa ayuu raacay, oo intuu tii Golayaasha iyo Sharci dejinta halkaasi iska dhigay ayuu Caqligiisii ku socday, Waxyaalo bada oo qalaad ah oo dalkani ka dhacay oo lagu tartamayay oo ay ahayd in lasaxo ayaan illaa maanta saxnayn, Xeerarka in la raaco ayay umaddu u dhisantaa”.
Xigasho: Foore News.
bandhige@gmail.com