Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay kulan ku saabsan caqabadaha caafimaadka dhallinyarada u qabatay dhallinyarada Gobolka Daad-madheedh

Wasaarada Dhallinyarada iyoCiyaaraha ayaa waxay kulan u qabatay dhallinyarada Gobolka Daadh-madheedh,kulankan ayaa waxay kasoo qayb dhallinyarada Gobolka iyo maamulka gobolka.

Kulankan oo laba cisho socday waxa lagu lafo gurayey guud ahaanba caqabadaha dhallinyarada iyo sidii ay uga fogaan lahaayeen. ugu horeyn waxa kulanka ka hadlay Agaaisamaha Waaxda Dhallinyarada ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Cabdi waxaanu faahfaahiyey ujeedada kulan lagu lafagurayey caqabadaha dhallinyarada Somalialnd, gaar ahaan dhallinta Gobolka Daad-madheedh.

Sidoo kale waxa kulanka ka hadlay Isuduwaha Gobolka Daad-madheedh ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Daahir Nuur Shukri oo ka warbixiyey baahiyaha dhallinyarada Gobolka Daad-madheedh iyo xaalada ay ku sugan yihiin dhallinta Gobolku.

Tababarkan ayaa waxa iska kaashaday Wasaarada Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Ha’yada Qaramada Midoobay ee UNFPA.

Wasaarada Dhallinyarada iyoCiyaaraha ayaa waxay guud ahaan kulamadan u qaban doontaa dhallinyaradaSomaliland taasi oo wasaaraddu ku lafo guri doonta xaaladaha dhallinyaradaSomaliland.

bandhige@gmail.com