“Anigu ma ihi nin kursi jacayl hayo lakiin waxaan u del-delanahay caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland” Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle

Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ahaa Murashaxii la tartamaayay Baashe Maxamed Faarax, ayaa soo bandhigay saxeexa liiska 39-kii xidhibaan ee u codeeyay sida lagu sheegay war gaabta ka soo baxay xisbiga Waddani.

Sidoo kale wuxuu soo bandhigay Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle cadaynta Xildhibaan Cabdiraxmaan Hirad oo uu sheegay in aanu ahayn mid codkiisa muran la galin karo, isagoo  xildhibaanka laftiisi qiraayo inuu u codeeyay Cabdiraxmaan Talyanle.

Hoos fiidyow muujinaya hadalkii Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo dhammaystiran.