Wafti uu hoggaaminayo Murashaxa Madaxweyne UCID waxa lagu soo dhaweeyay Deegaanka Widh-Widh

 

Wafti uu hogaaminayo Murashaxa madaxweyne UCID Eng Faysal Cali Waraabe isla markaana uu wehelinayay Wasiiru Dawlaha Waxbarashada Mudane Maxamed Xaaji Aadan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Deegaanka Widh-widh.

Waxaana Deegaanka Widh-widh waftigan ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Khaatumo Prof Cali Khaliif, Wasiirka amniga Khaatumo Mudane Kayse, Madax dhaqameed iyo odayaasha Deegaankaasi.

Ujeedada socdaalkan la xidhiidha Dardar galinta hawlaha wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo oo meel fiican maraya.

bandhige@gmail.com