Sheeko xariiradkii hore iyo dhacdooyinka baraha bulshada waxbaa ka dhexeeya (WQ: Xasan Cabdi Shire)

 

Caadooyinka soojireenka ah ee  Soomaalidu waa badan yihiin sida aynnu ka aragnnay inta badan dhaqankeenna iyo taariikhda.  Waxa ay isku jiraan dhaqamo wanaagsan iyo kuwa kasoo horjeeda, qoraalkaygan waxaan ku eegayaa dhaqamadii wanaagsanaa balse inoo keenay dhibaatooyin kale oo aan wanaagsanayn innaga oo si dadban uga soo eexaysannay nolosheennii hore.

Soamaalida waxa dushooda, hadalkooda, hab-cunistooda, hoggaamintooda iyo hankooda ka muuqda xamaasad badan iyo caaddifad xooggan  iyo kala tabasho badan oo isxoraynni ka buuxdo. Tusaale ahaan, cuntada waa aynnu xaaxaabinnaa oo hilib iyo wax ad-adag ayaa dhunteenna daashaday inta badanna waxa aynnu ka qaadnay haliil iyo hungoow badan. Hadalka inanynnu noolaynno oo is-muujinno baa innagu wada talaalan, guryaha marka la dhisayo wax iska celin sidii in Goday la xoreynayo baa innagu qafilan, wanaaggii kale ee gurigu maankeena kuma jiro. Hoggaaminta noocaynnu ixtiraamno waa la wada garanayaa, kacdoonka iyo caaddifaddu waa caado soojireen ah oo innagu talaalnayd muddo dheer, sidoo kale dhaqamada caaynkan ahi waxa lagu kala dhaxlay habka sheeko-gudbinta anynu  adeegsanno iyo kelmadaha qofka sheekada wada inta badan xiisagaliya, waa kicinta iyo dhiir-dhiiranaanta e, taas ayaynnu la wadaagnaa caruurta soo dhalata, kuwa koraya iyo kuwa qaangaadhka ah, innagoo uga sheekaynna sheekooyin u badan dagaal, khayaamo iyo kacdoonno sida sheekooyinkii “diin iyo dacawo oo khayaamo u badan,” “libaax oo boqor ah kayntana ugu awood badan.” Marka sheekooyinka dadka loo yimaadana waxaymnu uga sheekaynnaa “fulaynimadii Cigaal Shidaad”, “tuug Yoonis”, “Dhegdheer oo dadkii galaafatay” iyo “Arraweelo oo raggii dhufaantay.”  Marka taariikhda loo yimaadana waxaa caruurta qaangaadhka ah looga sheekayn jiray sheekooyinkii dagaalladii geel-kala-dhaca, isku xadgudubka dhanka dhulka iyo qabiillo kala adkaaday sida “umulo doox” “car iyo kab” IWM. Sababahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa  ilmaha Soomaaliga ahi  ku barbaaraa, ku koraa, kuna noqdaa oday waayeel ah oo dadka u taliya marka dambe, ku darsoo nidaamka xooladhaqashadu ee dhaqan ahaan aynnu leennahay, dhaqaalaha/nolosha Somaaliduna ku tiirsan yahay kuma jiraan sheekooyinka xiisaha leh ee bulshada dhex wareega, haddii aay ku jiraanna waa cay, maag iyo yasid kuwo loogu halqabsado sida “waxa uu ahaa dabadhoon” riyoole” “lo, jir”, “geeljire”, hal-abuurka sheekooyinka aynnu leennahay waxa ka madhan  dhanka horumarka, sheekkooyinka caynkaas ahna hal faa’iido oo dhanka dhaqanka iyo taariikhda ah ayay leeyihiin oo ah xasuusin iyo joogtayn iyo inaan la illaabin halkii laga yimi sidoo kale waa inoo tixraac iyo tusaale aynnu ku salaynno go’aanka maanta iyo aayaha berrito si degan oo aan laab-la-kac ahayn.

Waqtigan casriga ah iyo waayahan laga gudbay in la wadaago sheeko afeed, waxa yimi qoraal iyo dhigaal ku suntan sheekooyin ku dhisan caadifad iyo dagaal, amaantuna u tahay intii hore loo xiisayn jiray markii afka hadalku xoogganaa. Sheeko xariiradkii, taariikhdii dhigaalka ahayd iyo dhaqamadiii caynkaas ahaa hadda waxa beddelay, dhaqamo iyo sheekooyin laga helo dhanka cilmiga tiknoolajiyadda sida baraha bulshada, gaar ahaan dhanka Somaalida markaad u fiirsato waxaad ogaanaysa inay aad ugu xidhanyihiin xagga horumarka tiknoolajiyadda oo si wanagsan u fahmeen wixii iyaga looga baahnaa dhankooda marka ay isdiiwaangalinayaan laakiin aan la garwaaqsan wixii iyagu u baahnaayeen marka ay gudaha u galaan goobaha bulshadu isugu timaado, bulshadeennu waxay ka dheegtaan degallada iyo baraha bulshada wixii cusub maalintaas, halkaas kuma joogaan ee waxay ka falceliyaan wixii u baahan dagaal, maag iyo caay oo kali ah, halka inta wanaagsan xitaa aan wejiga lagu sii dayn badanka.

Dhanka dagaalka, kacdoonka iyo wax u dhimista milgaha dadka qaarkood ayaa ku badan baraha bulshada ee aynnu dhuganno, sidaas ayaa daawadaha kale ee ku jira ku xiseeyaa qoraalka ama qormada lagu gunto halkaas,  sheeko aan ka hadlaayn cambaarayn, dagaal iyo diidmo qalloocan akhriskeeda aad looma daneeyo. Sidaas oo kale, markii aad yarayd haddii lagaaga sheekeeyo sheeko wanaag iyo deganaan leh oo tusmo iyo toosin u badan, habeenkaas hurdada ayaa ku qaban jirtay, laakiin marka libaax iyo dhegdheer lagaaga sheekeeyo waxaad u dhegaysan jirtay si xiiso leh adoo eegaya ilaa dhamaadka sheekada, muhiimaduna waxa weeyaan maskaxdaada ayay ku  jirtay inaad aragto dhacdo xoog, badheedh, boob lagu kala calaf qaado, inta sheekada lagu jiro mar waad biqi jirtay mar kalena waxaad xiisanaysay geesinnimada iyo hadhcad weerarka sheekada, ku darsoo adigoo xalay lagaaga sheekeeyay sheeko xiiso badan waxaad maalintaas raadinaysaa dadkaad uga sheekayn lahayd ee kula filka ahaa,  mararka qaarkoodna waxaad jeclayd in adiga laguugu yeedho magaca “libaax.” Maanta sidaas oo kale ayaa qalbigeenna ku jirtaa inaan ku soo gudbinno  baraha bulshada sheeko dagaal ama cay ama mushkilad kale ah oo baraha bulshada ku faafinno innagoo wanaag iyo ismuujin u arkayna, tusaale ahaan kuwa qora “ war xiiso leh: dagaal ayaa ka qarxay meel hebla” “war xiiso leh hebel ayaa xilkii laga eryay” “war degdeg ah: hebla ayaa meel hebla lagu faraxumeeyay,” waa sheekooyinka dhibka ku ah bulshadeenna  laakiin qalbiga qofka qoraya iyo kan akhriya ba soo jiidanaya.  Waa sheeko ceeb ah, waa sheeko dhiig iyo dagaal ah, waa sheeko gaajo iyo foolxumo ah, intaas damiirka qofka qoraya xagay ka martay? Wax kale maaha ee waannu ku soo barbaarin ceebta iyo faafinta dhibtu inay tahay wax qalbiyada dadku dhibsadaan laakiin libaaxnimo ayuu u qaatay.

Dhaqankii sheeko xariiradku,  iskuma beddelin reer magaalnimadii laakiin waxa isbeddelay  uun qaabkii iyo ciddii laga heli jiray sheekooyinkan oo waayeelku u badnaa,  Sida ku cad baraha bulshada dadkeennu waxay maalin kasta ku dagaalamaan baraha oo cay iyo maag isku waydaarsadaan, sababtu na waxa weeyaan sheeko xariiradkii ayaynnu matelaynaa. Qoraaladani waxay mar kale u noqonayaan caruurteenna oo akhrin doona gidaarrada iyo tebiyayaasha degellada aan gaarka u leennahay iyagoo kasii sheekayn doona,  sidoo kale bahda baraha bulshada ku kulmaa waxay  la tacaalaan dhacdooyinka maalin laha,  isla waqti yar na isku beddeli kara dareen ahaan iyo damqasho ahaanba, xamaasaddu iyo caadifada cirka ku dhegi karto, waxayna ka baxaan anshaxa iyo xuduudaha hadalka ee dadka ka dhexeeya, ku darsoo kuma jiri karno in ka badan hal todobaad dhacdadii qalbigeenna xanuunka badan ku lahayd mid kale oo fudud ayaa ku illowsiinaysa waayo haddaad u fiirsato dhaqankii hore marka hal sheeko lagaaga sheekeeyo mar kale laguma celin jirin oo waxay ahayd inaad hore usoo aragtay sheekadaas. Sidoo kale waxaynnu sheekooyin xariirada u naqanay maaweelin iyo wax hurda lagu sugo ilaa hadeerna dhacdooyinka waaweeyn ee baraha bulshadu waa maaweelin iyo wax aynnu waqtiga isku dhaafinno. Dhanka kale kacdoonada aynnu ka sameynno baraha bulshada kuma salaynno tixraac iyo taariikhdii hore laakiin waa doodo markaas kusoo dhacaa qalbiyadeena oo cusub,  waxa caddeyn u ah maalinkasta waxaaynu ka doodna arimo aan sii fogaayn inagoo dayacnay kuwa kale oo kasii culus.

Gebo-gabadii, dhamaan sheeko xariiradkii hore iyo sheekooyinka baraha bulshada ka dhaca waxaa ay innooga tageen inaan martinno hadal, fadhiidnimo, caadifad waarta iyo inaan iska indhatirno humaalka iman kara iyo kaydinta wanaaggii taariikhdii hore. Waxa laga qaaday sheekooyinkaas inay caruurto u tababbarato sidii awoowayaashood yeeli jireen oo kale.

Waxan dareemay in dadku u baahan yihiin in la jiheeyoo oo loo sameeyoo shaqooyin badan oo iskaa wax u qabso ah laguna dhiso arrimo badan oo danta guud ah iyagoo loo adeegsanayo jiritaanka xamaasadda ku kaydsan dareemeheenna oo maalinba mashruuc loo qoondeeyo halka ay maalinba mashruuc baraha bulshada ah uu waqtigu innagaga baaba’ay, laakiin waa in caqligooda  hagista tolmoon loo  raaciyaa sida ay dadkeennu ugu bisil yihiin dhacdooyinka maalinlaha ah ee ay ku jirto dareenka cadhada ama farxadda leh kaas oo aad ka dheehan karto falalka ka socda inta badan baraha bulshada, loona abuuraa sheekooyin hagi kara ama hogaamin kara. Waa in loo adeegsada kelmadaha shicibka iyo dareenka dadku ku kacaan waana in looga faa’iideeya ummadda laguna abuuraa xamaasad waxqabad ee aan lagu abuurin xamaasad dadku ay la fadhiistaan qiirada oo dhididku dib ugu noqdo,  waxa laga yaabaa in jiilalka dambe ilaabaan ama aanay micno u sameyn kelmadahaas maanta dad badan micno gaar ah ugu fadhiya, haddii dhacdooyinkaas bulshada la galiyo loona abuuro sheeko xariirad la jaanqaadi kara wanaagga iyo horumarka maanta taagan ama sheeko xariirad uu ku jiro hal-abuurnimo iyo soo kordhin wax cusubi waxay kaga baxayaan habka isku tiirsanaanta iyo in weliba dadku caadeystaan dhaqanka iska hadal oo kali ah, haddii sidaasu dhacdo waxaa laga bixi doonaa dhibta iyadoo loo guurguuran doono dhanka nolosha dhabta ah oo dadku difaacdaan xaqooda iyo qiimahooda una fikiraan mustaqbalkooda iyagoo tixraacaya dhacdooyinkii shalay ee  aan ahayn sheeko mala’waal ah.

Xiisaha loo qabo in toddobaadkii hal sheeko lagu rogrogo baraha bulshada, waxa ka sii fiicnaan lahayd in toddobaadkii hal shaqo la bisleeyo oo dadka iyo danyartaba wax u tari kara, idin Illaahay.

Xasan Cabdi Shire