“Annagu wakhti baanu ku siinay oo waanu ku daawanaynaa, balse Annaga na eersan meysid ee kuwii ku saaray baa hadli doona.”

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng Feysal Cali Waraabe ayaa tafaasiil ka bixiyey kulan dhexmaray isaga iyo danjiraha midowga Yurub u qaabilsan Somalia Amb. Lorenzo oo Booqasho ku joogta magaaladda Hargeysa, waxaana uu sheegay qodobada ay kawada hadleen, “Ambasadoorka ayaanu la kulanay waxaannu kala hadalnay xaalada uu dalka marayo imika, arrimahii doorashooyinka inbadan bay nalahaayeen doorashada qabata, qabanay oo si nabadgelyo leh ayay noogu dhamaatay. Somaliland maanta dhaqaale xumo ayaa haysa, sicir-bararku waa sii kordhay, abaartu way sii socotaa. Waxa kale oo aanu u sheegnay arrimaha tahriibka oo tahriibayaashii Liibiya lagu afduubtay ee Afrikoo dhami lahayd, gaar ahaana innagu u badnayn, in dadka Somaliland ee halkaasi lagu hayso dhulkeena la keeno, oo aan la geyn dhul aanay nabadi ka jirin. Xukuumaddaheenii horena arrintaasi way ku fashilmeen, laakiin dawladda Muuse Biixi waxaanu leenahay inay dadkeenaa ogaadaan oo aan Muqdisho laga dejin.” Ayuu yidhi Eng. Feysal Cali Waraabi

Dhinaca kale guddoomiyaha Fayal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadley dagaalka Tuko-raq isaga oo Ciidamada Somaliland ugu baaqay in ay hore u sii socdaan ilaa ay ka gaadhayaan xuduudooda. “arrinta Tuka-raq ka dhacday marka hore waannu ka xunahay dawladdu inaanay dadka u sharaxin, waxayse ahayd inay dawladdu ummadda u sheegto, caalamka u sheegto, asxaabta u sheegto, sababta ay ciidamadeenu qaranku u tageen deegaankeenaasi Sool ka tirsan Tuka-raq. Meeshaasi waxay noqotay meel uu maamulkaa Garoowe ka samaystay Kastam cashuurta lagu qaado, intaasi kumay eekaane waxa la damcay in halkaasi la keeno ciidamo ay u bixiyeen Ciidamada Federaalka oo xuduuda innoo dhexeysa innaga iyo Soomaaliya ay intaasi soo durugto, oo dhul fidsi laynoola yimaad.

Waddan kasta xaqbuu u leeyahay inuu tago xuduudihiisa, anigu ma ogi in xuduudihii Isticmaarku sameeyay, mid kasta iyagaa sameeyay oo Malaa’iig may samayne, in la baabi’iyey. Eng. Feysal Cali Waraabi waxa uu hadalo hanjabaad ah hawda u mariyey Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi wali Gaas. “arrintani waa wixii ay hore Soomaali ugu hungowday ee aanu doonayay inaanu shanti Soomaali mideyno, tii ay wadaan oo Garoowana mar haday ku guulaysteen inay Soomaaliya qaybiyaanhadday oo ka dhigaan dawlad-gobolleedyo qabaa’il ku fahiya, oo ay qaybiyeen hadana Gaalkacyo dadkii Walaalaha ahaa ee isdhalay, sidaas oo kale maanta inay usoo jeestaan inay Somaliland qaybiyaan, dee waqtigaa siin, laakiinse waxan leeyahay idiin suurtogali mayso tan aad wadaan. Siyaasad iyo sharcina nagagama adkaanaysaan, xoogna nagagama adkaanaysaan.”

Geesta kale Eng. Feysal Cali Waraabe waxa uu ugu baaqay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi inay talaabo ka qaado madax-dhaqameed uu sheegay inay faafiyeen hadalo qabiil ku salaysan “waad ogtihiin hada meesha ay marayso sheekada ay soo saareen salaadiinta, nimankan aan salaadiinta ahayn, ee aan cidna ka wakiil ahayn ee aan damiirka lahayni waxay ku hadlayaan, innagoo maanta xaaladeenu meel adag marayso, dadka qabaa’il ukala saaray ee hadh iyo habeen soo taagan telefiishenada, waxaan leeyahay talaabo halaga qaado, oo gacan adag haku qabato ooh aka bilowdo ninkii aflegaadada bilaabay ee Burco ka bilaabay.” ayuu yidhi Feysal Cali Waraabe

Guddoomiye Feysal waxa kale oo uu sheegay inaanay ka xisbi mucaarid ahaan ku qanacsanayn habka uu dalka u maamulayo madaxweyne Biixi, “annagu Time baanu ku siinay, waanu ku daawanaynaa, ilaa hada sidaad wax u wadid lama dhacsanin, balse annaga na eersan meysid ee kuwii ku saaray baa hadli doonee, laakiin waxaan ku leenahay talada waa lawada leeyahay.” Ayuu yidhi

Ugu dambeyn Eng. Feysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inay difaaci doonaan saxaafadda madaxa-bannaan, maadama hadal dareen abuuray uu dhawaan kasoo yeedhay wasiirka warfaafinta Somaliland “waan ka xumahay wasiirku waxa uu ku hadlay,  waxaaba laygu yidhi wuxuu ka yimid dhul ilbaxnimada lehe, aniguse maan dhageysan laakiin waxa la iiga soo sheegayo wasiirka warfaafintu ma fiicna, saxaafaddu xeer bay leedahay waana xor.” Intaas ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyay.

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com