Xubnaha Aqalka Sare ee Mareykanku waxay laaleen Miisaaniyada Xukuumadda uu hoggaaminayoTrump 

 

Dawladda Mareykanka ayaa wajaheysa in ay shaqeyn waayaan dhammaan laamaheeda federaalka kadib markii ay ku guul daraysteen xubnaha Aqal Sare in ay ka gaadhaan is af-garad miisaaniyada cusub ee sannadka 2018-ka.

Inkasta oo aanay caddeyn halka uu codku u badan doono, maadaama muddada kama dambeysta ah ay ku eek tahay saqda dhexe ee xiliga waqtiga Mareykanka, iyada oo xubnaha xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqaraadiga ay ku kala qeybsameen arrimo muhiim ah.

Inkasta oo daqiiqadii ugu damebysay ay dhaceen kulama ay yeelanayeen labada dhinac, haddana miisaaniyada lagu maalgalinayo howlaha xukuumadda ilaa 16-ka bisha Labaad ayaanan helin codadkii loo baahnaa ee 60-ka ahaa.

Arrin tan la mid ah oo lagu curyaamiyay howlaha xukuumadda ayaa dhacday sannadkii 2013-kii, waxaanayna hawlaha dawladdu taagnaayeen muddo 16 maalmood.

Xafiisyo badan oo dowladda ah ayaa xidhmi doona, haddii aan le helin xal ka hor saqda dhexe ee caawa wakhtiga Mareykanka.

Haddiii ay dhacdo in howlaha xukuumadda ay joogsadaan, waxaa sii socon doono adeegyadda muhiimka ah sida amniga qaranka iyo maamulka hawada.

Saacado ka hor codeynta, ayaa madaxweyne Donald Trump waxa ka muuqday rajo xumo, waxa uuna bartiisa twitter-ka soo dhigay:

“Arrintan uma wanaagsana milatarigeena iyo amnigeena xili halis ay ka jirto xuduuda koonfureed.”

Trump ayaa sidoo kale ku casuumay hoggaamiyaha senetarada xisbiga Dimoqaraadiga Chuck Schumer, Aqalka Cad daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ay socdeen wada-hadaladda miisaaniyada balse waxa ay ku guuldareysteen in ay xal isla gaadhaan.

Balse saacad kadib, Mr Schumer, ayaa u sheegay werriyayaasha in “xoogaa horumar ah” lagu tallaabsaday, balse wali waxaa jira ” arrimo dhowr ah oo uu khilaaf ka jiro”,

Mucaaridka ayaa waxay soo jeedinayaan in wada-hadalka la sii waddo muddo dhan 5 maalmood.

bandhige@gmail.com