Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyaa wuxu isku khalday Shiinaha iyo Taiwan

 

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka, ayaa waxa ku jiray khalad weyn ah in uu isku khalday Shiinaha iyo Taiwan.

Qoraalka ayaa soo baxay kadib markii uu madaxweyne Trump kula kulmay dhigiisa Shiinaha shir madaxeedkii G20, ayaa waxa uu Xi Jinping ku sheegay in uu yahay madaxweynaha “Jamhuuriyadda Shiinaha”.

Magacaasi ayaa ah kan sida rasmiga ah loogu yaqaano Taiwan, halka Shiinahana loo yaqaano “Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha.”

Goor sii horraysayna, Aqalka Cad ayaa ku tilmaamay Shinzo Abe in uu yahay madaxweynaha Japan. Abe ayaa ah Raysal-wasaaraha dalkaasi.

Aqalka Cad ayaa markii dambe saxay khaladaadkaasi.

Dad badan oo ah kuwa wax ku qora baraha bulshada, ayaa khaladaadkaasi ku tilmaamay kuwo waji gabax ku ah mas’uuliyiinta Aqalka Cad.

Shiinaha iyo Taiwan ayaa waxa ka dhex taagan muran weyn, iyadoo xukuumadda Beijing ay u aragto Taiwan gobol ka mid ah dhulweynaha Shiinaha.

bandhige@gmail.com