Buugga Tabaha Akhriska oo Hargeysa lagu daahfuray

 

Buugga Tabaha Akhriska oo uu qoray Prof. Axmed Cabdi Ismaaciil (Axmed-Jeesto) ayaa habeenimadii Jimcihii lagu soo bandhigay hoolka Hay’adda Shaqaalaha ee magaalada Hargeysa.

Qoraaga buugga Axmed-Jeesto ayaa muddo dheer macallin ka ahaa Jaamacadda Cammuud sannadihii ugu dambeeyeyna ahaa Hormoodka Kulliyadda Darajada Labaad Jaamacadda Camuud, xilkaas oo uu dhawaan ka degay.

Waxa munaasibadda daahhfurka Tabaha Akhriska ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cabdillaahi Obsiiye, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Sharmaarke Axmed Geelle, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor Maxamed iyo madaxa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac.

Qoraaga buugga Prof. Axmed-Jeesto oo madasha ka hadlay ayaa mahadnaq u jeediyey ururka munaasibadda soo qabanqaabiyey oo magacooda la yidhaa Tallan, ka-qaybgalayaashii madasha iyo sidoo kale Hay’adda Shaqaalaha oo marti-gelisay munaasibadda, gaar ahaana guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Sharmaarke Muxumed Geelle.

“Waxa igu dhaliyey qoraalka buuggan markii aan dareemay heerka hoose ee bulshadeenu ka taagan tahay akhriska iyo qoraalka” ayuu yidhi Axmed-Jeesto.

Waxa madasha buugga ku soo bandhigay Mustafe Maxamed Khayre oo ay qoraaga saaxiib yihiin, wuxuuna si guudmar ah u dul istaagay toddobada cutub ee buuggu ka kooban yahay kuwaas oo nuxurkoodu ahaa faa’iidooyinka uu akhrisku leeyahay, taariikhda wax akhriska, sida ugu habboon ee waxa loo akhrisan karo, waxa ay tahay in la akhristo iyo waxa ay tahay in aan la akhrisan, xilliyada ugu habboon ee ay tahay in wax la akhristo, goobaha ku habboon wax akhriska, sida looga gudbo caqabadaha wax-akhriska, sida loo deddejin karo wax akhriska iyo guud ahaan xirfadaha la xidhiidha wax akhriska.

Mustafe wuxu sheegay in buugga Tabaha Akhrisku uu wax weyn ka tari doono kor u qaadista akhriska bulshada, waxaanu sheegay in uu yahay buug filashadiisii buuxiyey isla markaana uu rajaynayo in akhristeyaashu ka heli doonaan faa’iidooyin badan.

“Qofka buuggan ka bogta waxa u suurto gali karta uu uu dhaqan ka dhigto wax akhriska, waxaana u fududaan doona wax akhriska” ayuu yidhi Mustafe Khayre.

Jaamac Muuse Jaamac, madaxa Xarunta Dhaqanka oo madasha ka hadlay ayaa bogaadiyey qoraaga, wuxuuna da’yarta iyo bulshadaba ugu baaqay in ay akhristaan buugga.

“Qoraagu wuu nagu raajiyey buugga oo in muddo ah ayaanu sugaynay. Waa Alle mahaddii mar haddii maantaba uu horteena yaallo” ayuu yidhi Jaamac.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada, Guddoomiya Hay’adda shaqaalaha iyo dhammaan marti-sharaftii ka qayb-gashay munaasibadda daahfurka ayaa bogaadiyey qoraaga buugga isla markaana bulshada ugu baaqay in ay iibsadaan iyagoo goobtii kaga dhawaaqay tirada buugaagta ay iibsadeen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor Maxamed ayaa tibaaxay in buuggani yahay mid ardayda Somaliland aad ugu baahan yihiin si ay u bartaan hannaanka ugu habboon ee wax loo akhrisan karo.

Buuggan oo qoraashu sheegay in qoraalkiisu socday muddo laba sanno ah ayaa lagu soo daabacay dalka Masar waxaana markii koowaad lagu soo bandhigay magaalada Boorama bishii April ee sannadkan.

Ka-qayb-galayaashii daahfurka buugga Tabaha Akhriska, Hoolka Hay’adda Shaqaalaha, Hargeysa, 7 July 2017

   

Mustafe Maxamed Khayre (soo-bandhigaha buugga), Axmed Cabdi Ismaaciil “Jeesto” (qoraaga buugga) iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cabdillaahi Obsiiye, 7 July 2017

 

Bandhige@gmail.com