Trump wuxu kala huleelay niyad jab shirkii waddamada G20

 

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka baaqday shir jaraa’id oo uu qaban lahaa dhammaadkii shirka wadamada qaniga ah ee G20. isagoo ka dhoofay Jarmalka kadib markii uu lasii kulmay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in uu ku kalsoon yahay in Washington iyo Beijiin ay soo afjari doonaan hamiga nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi inkasta oo uu sheegay in ay qaadan doonto muddo dheer.

Dhinaca kale Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in xidhiidh adag oo ay leeyihiin Maraykanka iyo Shiinuhu ay u wanaagsan tahay xasiloonida dunida aan maanta degeneyn. Trump waxa kale oo kulamo la yeeshay hoggaamiyayaasha wadamada Britain iyo Indonesia.

Kulan shalay qabsoomay oo lagaga hadlayey Africa ayaa Madaxweyne Trump waxa ku matalay gabadhiisa Ivanka Trump iyadoo arrintaasina ay ahayd talaabo horey aan loo arag.

bandhige@gmail.com